Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Markabkii Hubka Siday Ee Ku Xidhay Dekeda Muqdisho

Monday September 23, 2024 - 22:38:21
Xogo Dheeraad Ah Oo Laga Helay Markabkii Hubka Siday Ee Ku Xidhay Dekeda Muqdisho


Markab shixnad hub ah u siday Soomaaliya, ayaa waxaa uu xalay ku soo xidhay Dekedda magaalada Muqdisho, Sida ay Shabakada HargeisaPress u xaqiijiyeen ilowareedyo ku sugan Dekedda Muqdisho.

Ilo-wareedyada, ayaa waxaa ay Shabakada HargeisaPress u sheegeen in Hubkan ay Soomaaliya ka heshay dowladda Masar.

Hubka waxaa keenay Markab nooca dagaalka ah oo ka yimid dalka Masar, waxaana lagu daad gureeyay gaadiid waa weyn oo nooca ciidanka qaada ah, kaas oo ay Soomaaliya leedahay, sida ay ilo-wareedyadu noo xaqiijiyeen.

Hubkan, ayaa wararka qaar waxay sheegayaan in dowladda Masar ay siisay Soomaaliya, halka wararka qaarna ay sheegayaan in Soomaaliya ay soo iibsatay hubkan.

Waxaa la sheegay in Hubkan laga soo dejiyay dekedda Muqdisho loo daad gureeyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Jidka ka baxa dekedda Muqdisho, illaa inta laga gaadhayo xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa xalay la xidhay, waxaana marayay kaliya gaadiidkii hubka siday, sida ay ilo-wareedyadu u xaqiijiyeen Shabakada HargeisaPress.

Maamulka Soomaaliya, ayaan weli wax war ah ka soo saarin hubkan ay Masar u keentay iyo qorshaha ay ka damacsan tahay.

Arrimahan, ayaa daba socda ka dib heshiiskii is-afgaradka ee bishii January ee sanadkan ku dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, Addis Ababa. taasoo Somaliland u ogolaatay inay 20 KM oo ka mid ah xeebaheeda muddo 50 sannadood ah ka kirayso Itoobiya oo aan bad lahayn, oo doonaysa inay saldhig ciidan iyo deked ganacsi ka sameysato dalka Somaliland oo ku yaalla Badda Cas, beddelkeedana ay Itoobiya noqoto waddankii ugu horreeyey ee aqoonsaday Somaliland.

Somaliland, oo kordhisay xiisadda gobolka Geeska Afrika iyo muranka Biyaha Webiga Niilka ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

Tan iyo markii dowladda Masar oo ka cadhootay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay Soomaaliya ka seexatay heshiiska milateri oo ay sheegtay in ay ciidamo u dirtay Soomaaliya ayaa waxaa sii kordhaya xiisadda gobolka.

Wakhtigaas, dowladda Masar waxay bilowday dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed iyo mid ciidan oo ku wajahan gobolka. iyadoo heshiiska ay la gashay Soomaaliya lagu ballamay in ciidamo la keeno dhanka Soomaaliya, balse arrintan ayaa saameyn ku yeelatay dowladda Itoobiya iyo sidoo kale qaar ka mid ah dalalka ugu waaweyn caalamka iyo diblomaasiyiin ka digay qorshaha dowladda Masar ay ku doonayso inay ciidamadeeda ugu soo dirto Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid khatar ku ah gobolka, kana sii daraysa xaaladda.

Sidoo kale, dalalka gobolka, ayaa walaac ka qaba khatarta ka iman karta ciidamada Masar ee ku soo wajahan gobolka.

Dhanka kale. Ku xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD, ahaana madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo dhawaan Soomaaliya u dirtay IGAD, ayaa ka digay khatarta ka dhalan karta khilaafka u dhaxeeya dalalka Masar iyo Itoobiya. taasoo uu tilmaamay inay xaaladda ka sii dari karto isla-markaana ay wiiqi karto Soomaaliya oo markii hore aan caga badan ku taagneyn.


     
Loading...