Australia: Weerarka ka Dhacay Suuqa laga Dukaameysto ee xaafadda ay Soomaalidu u badan tahay

Sunday May 25, 2025 - 14:54:33
hadhwanaagnews
Ganacsatada iyo waardiyeyaasha xarunta ayaa Boboliska



Hal qof ayaa loo qaaday Isbitaalka Royal Melbourne, magaalada Melbourne ee dalka Australia, kaas oo dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerar loo adeegsaday mindi oo u dhaxeeyey dhalinyaro ilaa 10 gaadhaya da'dooduna u dhaxeysa 15-20 ji.

Weerarkan ayaa dhacay abbaarrihii saddexda galabnimo xilliga Melbourne, wuxuuna ka dhex dhacay suuqa Northland Shopping Centre oo ah suuq weyn oo laga dukaameysto oo ku yaalla xaafadaha waqooyi oo ah halka ay deggan yihiin Soomaali badan.

Ganacsatada iyo waardiyeyaasha xarunta ayaa Boboliska ku wargeliyey in weerar uu socdo kadibna waxaa soo gaaray booliis fara badan iyo waaxda caafimaadka.

Muuqaallo lagu duubay telefoonnada gacanta oo lagu wadaagay baraha bulshada ayaa muujinayay iney dadku jahwareereern iyagoo hadba dukaamo ku ordaya, iyadoo dukaanleydana qaarkood ay ka carareen dukaamadooda halka kuwo kalena ay hoosta ka xirteen.

Booliiska oo shir jaraa'id qabtay ayaa haweenay u hadashay oo lagu mgacaabo Kelly Laws waxay sheegtay in ay qabteen labo qof halka siddeed kalena ay ku raad joogaan, kuwaasoo hal dhaawac ah uu ku jiray, waxayna intaa raacisay in falkan u ekaa mid aargoosi ah oo dhalinyaro is raadsanaysa ay ahaayeen.

     
Loading...