Somaliland Oo Ka Hadashay Iskudaygii Dil Ee Uu Ka Badbaaday Musharax Donald Trump

Tuesday July 16, 2024 - 11:07:02
Somaliland Oo Ka Hadashay Iskudaygii Dil Ee Uu Ka Badbaaday Musharax Donald Trump


Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay isku-daygii dil uu toddobaadkan ka badbaaday Madaxweynihii hore ee Mareykanka ahna murrashaxa madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump.

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Jamhuuriga, ayaa dhaawac ka soo gaadhay dhegta midig kaddib markii lala beegsaday Xabbad uu riday nin dhalinyaro ah Sabtidii toddobaadkan xilligaas oo uu khudbad u jeedinayey taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland oo dhacdadan kaga hadashay qoraal kooban oo lagu baahiyay barta X (Twitter), waxa ay ku sheegtay inay shacabka iyo dowladda Somaliland barbar taagan yihiin shacabka Mareykanka.

"Annagoo ku hadlayna magaca Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu muujinaynaa walaaca aanu ka qabno isku daygii dilka ahaa ee dhawaan lala beegsaday Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump. Maadaama oo aanu nahay Qaran ku dhisan Qiyamka Dimuqraadiyadda, waxaanu garab-taaganahay shacabka Mareykanka xilligan adag ee ay ku jiraan.

Waxaanu kalsoonni ku qabnaa inay Mareykanka u qabsoomi doonto doorasho nidaamsan oo ka tarjumaysa bisaylka hay’adahooda dimuqraadiga ah,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

Gebogabadii waxa ay Wasaaradda Arrimaha Dibeddu Beesha Caalamka u xaqiijisay sida ay Somaliland uga go’antahay nabad-geliyada gobolka iyo u hoggaansanaanta mabaa’diida dimuqriyaadiga ah isla markaana ay taageersan tahay nidaamka dimuqraadiyeed ee caalamka.

 


     
Loading...