Dawladda Soomaaliya oo Cadaysay in Mucaaradka SOMALILANDKala Shaqayno Midnimada Soomaali-wayn

Saturday August 24, 2024 - 09:27:10
Hadhwanaagtv
"Haddii ay doorasho Somaliland ka dhacdo oo ay madax cusub ...



Xukuumadda Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay rajo wanaagsan ka qabto in xisbiyada Mucaaradka Somaliland kala shaqeeyaan midnimo dambe oo Somaliland iyo Soomaaliya dhexmarta.

 

Raysalwasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in midnimo dhexmarta laba dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ay ka xigto doorashada Madaxtooyada ee dhawaan dalka ka dhacaysa oo ay ku guulaystaan Xisbiyada Mucaaradku.

 

"Haddii ay doorasho Somaliland ka dhacdo oo ay madax cusub dadku soo doortaan waxaanu rajaynaynaa in aanu isla jaanqaadi doono oo aanu heli doono Soomaaliya oo mid ah oo walaalo ah” ayuu yidhi

 

Hadalka Xamse Cabdi Barre ayaa muujinayaa in Muqdisho diidan tahay in uu dib usoo laabato Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi bedelkiisa ay doorashada ku guulaystaan Xisbiyada Mucaaradka Somaliland oo kala shaqaynaaya midnimadii burburtay sannadkii 1991kii, 18 May.

     
Loading...