DEG DEG Somaliland oo Si Adag u Cambaaraysay Imaanshaha Ciidamada Masar ee Soomaaliya

Saturday August 31, 2024 - 12:34:54
hadhwanaagtv
idoo kale waxay sheegtay in imaanshaha ciidamada Masar ay keeni ...



Xukuumadda Somaliland ayaa si adag uga soo jorjeedsatay imaansha ciidamada Masar ee Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay carqalad ku noqon karaan nabadeeda, nabada Soomaaliya iyo gobolkaba.


 

"Dowlada Somaliland waxay si adag uga soo horjeedaa daadguraynta ciidamada Masar ee Soomaaliya, marka la eego taariikhda daad guraynta caynkaas ah, ee la sameeyo iyada oo aan la qiimayn xaalada amni ee Soomaaliya iyo gobolka oo dhan waa mid walaaceeda leh” ayaa lagu yidhi warbixin kasoo baxday wasaarada arrimaha dibadda.


 

Somaliland waxay sheegtay in ay tallaabadan u aragto mid khatar ku ah nabadda jilicsan ee si taxaddar leh looga shaqaynayay sannado badan.


 

Sidoo kale waxay sheegtay in imaanshaha ciidamada Masar ay keeni karaan cawaaqib xumo daba dheraata.

 

"Anagga oo ah qaran madaxbannaan oo dimuquraadi ah, waxaanu u aragnaa in ay masuuliyadi naga saarantahay in aanu diidno imaanshaha millateri shisheeye ee gobolka, kaasi oo xagal-daacin kara daganaanshaha iyo nabadgalyada dadkayaga” ayay warbixintu sii raacisay.


 

Geesta kale Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay si deg deg ah u cambaareeyaan khatar ay sheegtay in ay keeni karaan ciidamada Masar, waxay sheegtay in loo baahanyahay dhamaan waddamada arrintan ku lugta lihi ay qaadaan talaabo dag dag ah oo lagaga hortagayo daganaansho la’aan ay talaabadani sababi karto.


 

Somaliland waxay sheegtay in aanay iska daawan doonin ficilada carqaladaynaya nabada sida adag lagu helay, iyada oo waddamada caalamka ugu baaqday in ay dhug u yeeshaan xaalada.

     
Loading...