Ethiopian Airlines iyo Flydubai oo qaatay amar ka soo baxay DF oo ku saabsan Somaliland

Friday August 23, 2024 - 10:32:17
hadhwanaag
Durbadiiba dadka reer Somaliland ayaa ka carooday arrintaan, iyagoo ku andacoonaya




Shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa deg deg u cusbooneysiiyey xogta duulimaadkooda iyagoo raacaya awaamiirta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo ku amartay inay duulimaadkooda Hargeysa ka dhigaan Soomaaliya.

 

Amarka Hay’adda ayaa u dhignaa in duulimaadka diyaaradahaas oo ahaa "Hargeysa Somaliland, loo bedelo Hargeysa, Soomaaliya” maadaama hawada dalka oo dhan ay maamusho hey’adda duulista rayidka ee dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Isla maanta shirkadaha diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa shaaciyey inay u hoggaamsameen amarkaas, isla markaana ay duulimaadyadoodii Hargeysa ka reebeen Somalialnd.

 

FlyDubai ayaa raacisay Hargeysa, Somalia, halka Ethiopian Airlines ay ku soo koobtay kaliya Hargeysa, inkasta oo aysan caddeyn haddii ay Dowladda Federaalka ku qanci doonto middaas.

 

Durbadiiba dadka reer Somaliland ayaa ka carooday arrintaan, iyagoo ku andacoonaya in shirkadahaasi ay ku xadgubayaan qaranimada iyo madax-banaanida Somaliland, maadaama ay u hoggaansameen awaamiirta dowladda federaalka Soomaaliya.

 

"Waxaan aad iyo aad uga xunahay falkii Flydubai iyo Flyethiopian ay ugu xadgudbeen qaranimada iyo sharafta dalkeena, kadib markii ay u hogaansameen go’aamadii iyo awaamiirtii maamulkii Muqdisho ee fashilmay ee ahaa in ay meesha ka saaraan duulimaadyadooda Somaliland,” ayuu yiri mid ka midah dhalinyarada reer Hargeysa.

 

Hay’adda duulista rayidka Soomaaliya ayaa shalay amarkaan soo saartay, iyadoo shirkadahaas u cadeysay ciqaabta ay muteysa doonaan hadii ay fuli waayaan amarka dowladda federaalka Soomaaliya.

 

Maamulka Somaliland weli kama hadlin arrintaan, waxaana laga sugayaa go’aanka ay ka qaadanayaan shirkadahaan u hoggaansamay amarka dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo meesha ka saaraya magaca Somaliland oo Hargeysa ka dhigaya magaalo Soomaaliyeed.

 

Diyaaradda Ethiopian Airlines iyo Flydubai ayaa markii hore ku duuli jiray Hargeysa Somaliland, balse hadda kadib waxay ku duuli doonaan Hargeysa Soomaaliya, taasi oo baabi’ineysa riyadii gooni u goosadka ee maamulka Somaliland.

     
Loading...