Itoobiya oo qaaday tallaabadi 1-aad ee cilaaqadka cusub ee Somaliland – Maxay tahay?

Monday July 15, 2024 - 15:33:56
Hadhwanaag
Inta ka horeysa tallaabooyin waaweyn ma qaadi karaan..




Dowladda Itoobiya ayaa markii koowaad qaaday wax muujinaya inay Somaliland iyo iyagu aad iskugu dhow yihiin marxaladdan cusub.


 

Addis Ababa ayaa heshiis buuq badan dhaliyay la gashay Somailand horraantii sanadkaan. Laakiin illaa xilligaas taliska Abiy Axmed kuma dhaqaaqin wax muujinaya halka ay ka taagan tahay Somaliland.

 

Waxaa magaalada Wajaale laga qaaday ku dhowaad 2,000 oo askari oo reer Somaliland ah, kuwaas oo ay dowladda Itoobiya u diyaarineyso si gaar ah.


 

Waa ciidankii ugu badnaa oo Somaliland u hesho tababar dibadda ah. Somaliland oo hadda xaalka siyaasadda ku adag yahay markii ay fooda dartay Jabuuti, dhinaca kalena laga qabsaday magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xooga saareysa inay Itoobiya ka dhabeyso heshiiskii 1-dii Janaayo.


 

Inay ciidan ahaan dib isu abaabuleyso Somaliland ayaa muuqata hadda, laakiin taas waxaa ka horeysa waxay noqon doonto natiijada doorashada soo aadan ee Somaliland, taas oo dhaceysa bisha Novermber ee sanadkaan.


 

Inta ka horeysa tallaabooyin waaweyn ma qaadi karaan. Dadka arrimahan isha ku haya waxay leeyihiin Itoobiya ciidanka ay tababarka u qaaday waxay ugu tala-gashay inay Somaliland kusii aamusiiso illaa ay meel u dhacayaan wada-hadallada ay kula jirto dowladda federaalka Soomaaliya oo wejigooda labaad uu Turkiga ka dhici doono horraanta bisha September ee sanadkaan.


 

Dadka reer Somaliland waxay sugayeen fulinta wixii Muuse Biixi u sheegay oo aheyd in Itoobiya u bareeri doonto aqoonsiga Somaliland, mana u badna in tababar ciidan looga qanci karo, dadkuna badi waa fahamsan yihiin in Itoobiyaanka ay tallaabooyinka noocaan ah ula jeedaan seeta-dheereysi.


 

Si walba, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna waxay dhinaca kale xoog badan gelinaysaa in guud lasoo afjaro heshiiskaas, oo meesha laga saaro, ayna Itoobiya kala hadasho Muqdisho sida loo wadaagi karo fursaddo ganacsi oo xagga badda ah, taas oo soo afjareysa ama meesha ka saareysa qaadashada qeyb kamid ah biyaha Waqooyi ee Soomaaliya.


 

Dad badan oo reer Somaliland oo markii hore aad ugu qanacsanaa is-afgaradka ama rejo badan ka qabay ayaa hadda kasoo dhacay halka ay markii hore joogeen, waxaana u sabab ah fahamkooda cusub ama inay arkeen sida Itoobiya wax u rabto iyo sida ay madaxda Somaliland sheegteen inay aad u kala duwan yihiin.

     
Loading...