Somaliland Oo 33 Sano Ka Dib Ka Guuraysa Xeerkii Ciqaabta Guud Ee Soomaaliya Oo Ay Ku Dhaqmaysay

Saturday July 13, 2024 - 18:47:53
Somaliland Oo 33 Sano Ka Dib Ka Guuraysa Xeerkii Ciqaabta Guud Ee Soomaaliya Oo Ay Ku Dhaqmaysay


Dowladda Somaliland, ayaa sheegtay in markii u horreysay ay ka guurayso ku dhaqankii xeerka ciqaabta guud kaas oo hay’addaha garsoorku isticmaalayeen tan iyo markii ay Somaliland madax-bannaanideeda la soo noqotay.

Xeerkan cusub ee ciqaabta guud, ayaa waxaa la horkeenay golaha wasiirada somaliland kuwaas oo u soo gudbin doona baarlamaanka.

Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Somaliland, Cabdinaasir Muxumed Buuni, ayaa sheegay in gebi ahaanba maxkamadduhu joojin doonaan adeegsiga xeerka ciqaabta guud oo ahaa mid dowladdihii hore ee Soomaaliya adeegsan jireen, marka goleyaashu ansixiyaan.

Wasiir Cabdinaasir Muxumed Buuni, ayaa sheegay in xeerkan uu yahay mid cusb oo aan shaqo ku laheyn kan laga guuray oo caqabad ku ahaa shuruucda Somaliland.

"Markasta caqabad ayuu ku ahaa guud ahaan geediga qaanuuneed ee Somaliland, waxyaabaha loo beddalay waxaa ka mid ah xeerkaas ciqaabta guud, dhulka uu ilaalanayo ma ahayn dhulka Somaliland, taasna ayaana loo beddalay”

Wasiir Buuni, ayaa sheegay in marna aan la isticmaalin xeerkan isagoo ka hor’imanaya dastuurka dalka.

Sababaha kale ee ay Somaliland ku sheegtay in xeerkaas uu u noqday mid dalka u yaal ayaa ahaa in aanu jirin xeer ciqaab guud oo kaas beddelay.

"Somaliland ma isticmaaleynin isagoo ka horimanayay dastuurka qaranka laakiin qaynuun ahaan ayuu u yaalay, wuxuuna ahaa waxa kaliya ee sameysan oo ah xeer guud oo qaranku leeyahay”

Mar la weydiiyay wasiirka hadii xeerka laga guuray uu ka hor imanayay dastuurka Somaliland. Wasiirka waxa uu sheegay in aan inta badan la raaci jirin xeerkaas ciqaabta.

"Wixii ah ciqaabta guud inta badan isaga lama raaci jirin balse sharci ahaan buu inoo ahaa, inta badan qawaaniinteena ayaa lagu xukumi jiray, mana ahayn qaanuun si toos ah dalka uga shaqeynayay”

Xeerkan cusub ee la horgeeyay golaha Wasiirrada, ayaa ah, sida wasiirku sheegay, mid waafaqsan dastuurka Somaliland, Shareecada Ismaalmka iyo qawaaniinta kale ee Somaliland.

Sidoo kale, xeerkan waxa uu meesha ka saarayaa xeerkii ciqaabta guud ee aan la jaanqaadeynin dastuurka Somaliland ee si toos ah uga hor imanayay.

"Waa xeer wakhtigan la jaanqaadaya oo ka hadlaya dembiyada Internet-ka, kuwa baraha bulshada, caalamka casriga aan joogno iyo lacagaha taleefoonka lagu isticmaalo, waa xeer waxaas oo dhan ka jawaabaya”

Xeerkan ayuu wasiirku ku sheegay in uu ahaa mid muddo dheer dalku u baahnaa, caqabadna ku ahaa nidaamka garsoorka Somaliland.

Xeerka marka uu ka gudbo golaha Wasiirrada Somaliland, waxa uu tagi doonaa golaha Wakiillada.



     
Loading...