4 Daqiiqadood ka horXasan Sheekh:"Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan, labadii sano ee la soo dhaafay"

Sunday August 25, 2024 - 11:11:41
Hadhwanaag
"Orodkii iyo xawaarihii aan labo sano ku soo gaarnay, labada...



Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii Sabtida meel fagaare ah ka sheegay in labada sano ee soo soctaa ay ka wanaagsanaan doonaan, labadii sano ee u dhammaatay dawladdiisa.

 

"Labada sano ee soo socotaa waa ka duwanaan doonaan, labadii sano ee la soo dhaafay, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa, waana balan qaadeynaa taas” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la in kiri karin waxqabadka uu sheegay in dawladdiisu la timid labadii sano ee la soo dhaafay, isagoo hoosta ka xariiqay in taasi ku timid midnimada iyo wadashaqeynta dawladda dhexdeeda.

 

"Orodkii iyo xawaarihii aan labo sano ku soo gaarnay, labada sano ee dhiman waa in aan ka sii dheeraynaa, kana duwanaadaan kuwii hore, mashaariic aad u waaweyn ayaan soo kordhin doonaa waana balan qaadaynaa taas” ayuu intaa ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

Xalay waxa Muqdisho lagu qabtay barnaamij la sheegay in lagu soo bandhigay wax qabadka xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo labo sano jir satay, balse intii munaasabaddaasi socotay marnaba laguma soo bandhigiin waxyabaha ay ka gaabisay muddadii ay jirtay ee ay ahayd in ay wax ka qabato.

     
Loading...