Somaliland oo ka Guurtay Xeerkii Hore ee Ciqaabta Guud

Saturday July 13, 2024 - 09:25:03
Hadhwanaagtv
Waxaanu yidhi "Sannado badan maxkamadaha Somaliland


Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay ka guurayso Xeerkii Ciqaabta Soomaaliya oo ay isticmaalaysay mudadii ay jirtayba.


 

Wasiirka Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha Somaliland Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa shirkii Golaha Wasiirada ee Arbacadii ka hor akhriyay sharci ciqaabeed cusub oo ka faah faahsan, kana fudud fahan ahaan kii hore.


Cabdinaasir Buuni, ayaa Idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga u sheegay in maxkamaduhu ay isticmaali doonaan xeerka cusub kadib marka la ansixiyo.


 

Waxaanu yidhi "Sannado badan maxkamadaha Somaliland waxay ku hawlgalayeen sharci ay lahayd dowladii hore ee Soomaalidu, hada waxa aanu go’aan ku gaadhnay in aanu samaysano sharci aanu leenahay anagu”.


 

Dadka sharciga wax ka yaqaana ayaa xeerkii ciqaabta ee hore oo jiray ilaa 1960-kii u arkayay mid gaboobay oo caqabad ku ah nidaamka sharci ee Somaliland. "Xeerkii hore ee Ciqaabtu waxa uu caqabad ku ahaa nidaamkayaga sharci, ma ahayn mid daboolaya baahiyaha gaarka ah ee Somaliland, waana sababta aanu u bedelnay.” Ayuu yidhi Buuni.


Bulshada Somaliland ayaa muddo badan ka cabanaysay isticmaalka xeerka ciqaabta guud oo la sameeyay 1960 kadib midowgii Somaliland iyo Soomaaliya.

 

 

     
Loading...