Aqalka Cad Oo War Ka Soo Saaray In Madaxweyne Biden Ka Hadhayo Doorashada

Thursday July 04, 2024 - 08:11:35
Aqalka Cad Oo War Ka Soo Saaray In Madaxweyne Biden Ka Hadhayo Doorashada
.

Maalmo uun ka dib dooDdii telefishinka ee Biden ka hor tagay Trump ee sida weyn loo dhaliilay hadalkIisa, Madaxweyne Biden ayaa wajahaya cadaadis kaga imanaya qaar ka mid ah siyaasiyIinta xisbigiisa iyo codbixiyaasha dimuqraadiyiintaba.

Dimuqraadiyiinta dalka oo dhan ayaa bilaabay in ay su’aalo iska weydiiyaan in Mr Biden uu yahay musharaxa ugu wanaagsan xisbiga meteli kara doorashada soo aaddan.

Inta badan codbixiyayaasha ayaa u malaynaya in Dimuqraadiyiintu ay fursad fiican u haystaan ​​inay sii hayaan Aqalka Cad haddii Biden aanu ahayn musharraxooda.

Qaar ayaa sheegaya in aysan weli go’aansan in ay taageeraan iyo in kale, halka qaar kalena ay ugu baaqayaan in uu iscasilo.

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in Joe Biden uusan "gabi ahaanba" ka tanaasuli doonin tartanka madaxtinimada Mareykanka.

Afhayeenkiisa, Karine Jean-Pierre, ayaa u sheegtay wariyeyaasha Mr Biden inuu "hore u socdo" ololihiisa dib u doorashada, iyadoo beenisay warbixin lagu daabacay New York Times oo ahayd in madaxweynuhu uu miisaamayay inuu ku sii socon karo qorshshan iyo in kale.

Biden, ayaana dhankiisa isna sheegay in uu kan tartamaya, xilli ay sii baahayso xogta ku aaddan in uu is casilo


Souerce:- BBCSomali

     
Loading...