Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Quus Ka Muujiyey In Itoobiya Ka Laabato Isfahamkii Ay La Gaadhay Somaliland

Thursday July 04, 2024 - 08:28:10
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Quus Ka Muujiyey In Itoobiya Ka Laabato Isfahamkii Ay La Gaadhay Somaliland
DEG DEG; Xasan Sheekh iyo Muuse Biixi oo kafarxiyeen Abiy Ahmed iyo Itoobiya, heshiiska Badda oo..


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in aanay jirin wax muujinaya in Itoobiya ay dib uga laabanayso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Somaliland la saxeexatay.

"Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in ay Itoobiya ka soo laabanayaan waddadaas," ayuu yidhi madaxweynuhu.

Hadalkan ayuu madaxweynuhu sheegay kadib markii ay dalka Turkiga ay ku soo dhamaadeen wada hadal u dhaxeeyay dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya, kaas oo aan wax natiijo ah laga gaarin.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in Itoobiya ay tahay midda Turkiga ka codsatay inay dhexdhexaadiyaan Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ergada Itoobiya iyo Soomaaliya aysan wada hadal toos ah yeelan, balse Turkiga uu dhexdhexaad ka yahay.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa u ballansan inay wahadal labaad ku yeeshaan dalka Turkiga, kaasoo la rajeynayo inuu dhaco bisha September ee sanadkan.

     
Loading...