Madaxweyne Ku Xigeen Cabdiraxmaan Saylici Muxuu Ka Yidhi Raysal Wasaaraha Cusub Ee UK?

Sunday July 07, 2024 - 07:13:01
Madaxweyne Ku Xigeen Cabdiraxmaan Saylici Muxuu Ka Yidhi Raysal Wasaaraha Cusub Ee UK?

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bogaadiyay Raysal wasaaraha cusub ee UK Keir Starmer.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter).

Waxaanu Madaxweyne ku xigeenka Qaranka Somaliland tilmaamay inuu Raysal wasaaraha cusub u rajayno guul muddo xileedkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wuxuu xusay in 33kii sannadood ee Somaliland ay la soo noqotay madax-bannaanideeda uu Ingiriisku ahaa bahwadaagta ugu muhiimsan ee kaalinta horumarinta Somaliland.



     
Loading...