Muxuu yahay iskaashiga difaaca ee ay ka wada hadleen Soomaaliya iyo Azerbaijan

Saturday September 28, 2024 - 18:13:16
Hadhwanaag
Ka qeyb galayaashii bandhigga ayaa fursad u helay dood



Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan looga hadlayay iskaashi difaac oo dhexmara Soomaaliya iyo Azerbaijan la qaatay dhiggiisa dalka Azerbaijan wasiirk, Zakir Hasanov, sida ay qortay wakaaladda wararka Soomaaliya.

 

Wasiir Cabdulqaadir oo booqasho ku joogay Azerbaijan ayaa ka qeybgalay munaasabadda sanad guuradii 5-aad ee ka soo wareegtay aasaaska difaaca caalamiga ah ee Azerbaijan.

 

Munaasabadda sanadguurada ayaa lagu qabtay hormaradii u danbeeyay iyo guulihii dhanka tiknoolajiyadda difaaca, waxaana lagu booriyay masuuliyiinta wasaaradda iyo madaxda kala duwan hormarka ay ka gaareen warshadaha iyo nidaamyada difaaca, munaasabadda ayaana ka dhacday magaalada Baku.

 

Bandhigii difaaca Azerbaijan, ayaa daneeyayaasha warshadaha difaaca u noqday mid muhiim ah, waxaana goobta lagu arkayay qalab ciidan oo casri ah, oo ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (UAVs), nidaamyada gantaalada, iyo xalalka amniga internetka.

 

Ka qeyb galayaashii bandhigga ayaa fursad u helay dood ku saabsan isbeddellada difaaca caalamiga ah, iskaashiga istiraatijiyadeed, iyo iskaashiga tignoolajiyada oo lagu qabtay xarunta difaaca Azerbaijan.

 

Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya ayaa dhankiisa u kuurgalay tiknoolajiyadda casriga ah ee wasaaradda difaaca Azerbaijan, isaga oo goobta ku sugan mar uu hadlayay waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in la casriyeeyo ciidamada qalabka sida oo loo helo qalab casri ah.

Soomaaliya ma danbaa ugu jirta xulufeysiga Azerbaijan?

Soomaaliya ayaa sanadihii sanbe waxa ay xoogga saareysay heshiisyada kala duwan oo ay la galeyso dadalka caalamka, heshiisyadaas ayaana u badnaa dhanka difaaca.

 

Axmed Cabdullaahi Kaboole oo ka faallooda arrimaha amniga ayaan wax ka weydiinay haddii Soomaaliya iyo Azerbaijan uu dhexmaro heshiis dhanka difaaca ah iyo waxa ay Soomaaliya ka faa’iidi karto.

 

"Soomaaliya muddadii u danbeeysay waxa ay diiradda saaraysay in ay ballaariyaan iskaashigeeda difaaca oo ay taagero helaan, marka la fiiriyo kulanka labadaan dal oo aan lahayn xiriir toos ah ma jirto hab ay Soomaaliya iyo Azerbaijan u wadaagi karaan arimaha difaaca,” ayuu yiri Kaboole.

 

Falaqeeye Axmed Kaboole ayaa dhanka kale soo hadal qaaday in Azerbaijan iyo Soomaaliya ay iska kaashan karaan dhanka dhaqaalaha, diblumaasiyadda, tiknoolajiyadda iyo arimo la xiriira tababarada la xiriira shaqaalaha.

 

"Azerbaijan kama mid ahan wadamada taariikhda u leh inay caawiya dalalka soo koraya, awood ciidan oo ay Soomaaliya ku caawiso ma lahan wax ay naga caawin kartana iima muuqdaan,” ayuu hadalka raaciyay falaqeeyaha.

 

Sida ay baahisay wakaaladda wararka Soomaaliya ee {SONNA} ka qeybgalka munaasabadda ee wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur, tani waxa ay muujineysaa sida ay Soomaaliya uga go’antahay sare u qaadista awoodeeda difaaca iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah ee dhanka difaaca.

 

Sidoo kale munaasabadaan ayay Soomaaliya ku heshay fursad ay ku sahamiso iskaashiga suurtagalka ah iyo in ay soo iibsato nidaamyada difaaca ee horumarsan si ay u xoojiso ammaankeeda qaranka.

 

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed, ayaa sheegay in ay ka faa’iideysanayaan khibradaha ciidan iyo hormarka tiknoolajiyadda ee Azerbaijan, si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-shabaab, hadalkaan ayuuna ka sheegay munaasabadda sida ay baahisay wakaaladda wararka Turkiga ee Anaadool.

 

Dhanka kale wasiirka ayaa soo hadal qaaday in loo baahanyahay ballaarinta iskaashiga labada dal ayna wadaagaan arimo la xiriira tamarta, ganacsiga iyo jormarinta kaabayaasha.

 

Mar uu ka hadlayay xubin-nimada aan joogtada ahayn ee Soomaaliya ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2025-2026, wasiirku waxa uu sheegay in jagadaas ay fursad u siin doonto in aragtiyaha Soonaaliya ay ka muuqato masraxyada caalamka.

 

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xassan shiiq ayaa muddooyinkii danbe waxa ay ku dadaaleysay sidii ay xiriir ula yeelan lahayd dalal badan oo caalamka ah, iyadoona ay jireen heshiisko iskaashi oo ay la yeelatay dalal badan kuwaas oo sheegay in ay ka caawinayaan dhanka ammaanka.

bbc/somali

     
Loading...