Somaliland oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Hubka Ay Masar Ku Daabulayso Soomaaliya

Monday September 23, 2024 - 22:34:19
Somaliland oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Hubka Ay Masar Ku Daabulayso Soomaaliya



Xukuumadda Somaliland, ayaa walaac xoogan ka muujisay hubka ay dowladda Masar siisay maamulka Muqdisho, kaasi oo curyaaminaya xasiloonida mandaqada ee markii horeba ay dhibaatadu ka taagnayd.

Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga digtay hubka culus iyo saanada millateri ee ay Masar u gudbisay maamulka Muqdisho oo aan tahli karin inay si wax ku ool ah u maamusho hubka gacanta loo geliyay. xilli ay xaaladda uga sii dari karto hubka culus ee Muqdisho la siiyay, Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland.

War-saxaafadeedka wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in kooxaha kala duwan ee ka jira maamulkaasi ay raadinayaan inay gacanta ku dhigaan hub ay ku ilaaliyaan maslaxadooda.

Waxa kaloo ay ku dooday inay ka walaacsan tahay hubkaasi u gacan galo kooxaha xagjirka ah ee ay ka mid tahay Al-shabaab iyo malleeshiyo beeleedyada, taasi sii murgin doonta rebshadaha iyo xasilooni darrada gobolka.

Warsaxaafadeedka wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, waxa lagu xusay inay Beesha Caalamka ugu baaqeyso inay qaadaan tallaabooyin lagaga hortagayo walaacyada ka dhashay hubkaas.

Waxana ay intaas ku dartay in tallaabooyinka ka hortaga ahi ay muhiim u yihiin oo lagaga baaqsan karo inay xadhkaha goosato colaadu, isla-markaana ay u wanaagsan tahay ilaalinta iyo xoojinta xasilooda mandaqada.

Wasaaradda arrimaha Dibedda, ayaa iftiimisay in ay Xukuumadda Somaliland ka go’an tahay xoojinta nabada, waxaanay ku boorisay dhinacyada ay khusayso oo dhammi ay masuuliyadooda ka gutaan inta aanay xaaladdu gaadhin heer aan waxba laga qaban karin.

Waxaa ay sheegtay in ficillo degdeg ah oo la qaadaa ay muhiim u yihiin in aanay ballaadhan qulqulatooyinka iyo in gacanta lagu qabto xasiloonida gobolka ee aan cagaha adag ku taagnayn.


     
Loading...