Soomaaliya, Masar iyo Eritrea oo ka shiray qorshahooda xiisada kala dhaxeysa Itoobiya

Tuesday September 24, 2024 - 10:38:29
Hadhwanaag
Dowladda Soomaaliya ayaa fursad weyn u aragta garabistaaggA...



May be an image of 2 people


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa magaalada New York kulan kula qaatay wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Masar iyo Eritrea, Badr Abdelatty iyo Osman Saleh.

Wasiirrada ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka uga qayb gelaya kulanka 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Saddexda Wasiir ayaa ka wadahadlay qorshaha iskudubarid heer sare ah iyo rabitaanka siyaasadeed ee 3-da dal, si loo gaaro yoolalka iyo danaha ay wadaagaan Soomaaliya, Masar iyo Eritrea.

     
Loading...