Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Somaliya Oo Kulan la Qaatay Danjiraha dowladda Sweden Ee Somaliya

Tuesday October 01, 2024 - 08:54:33
hadhwanaagtv
Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta
May be an image of 2 people and newsroom


Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullahi ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Sweden u jooga Dalkeena Soomaaliya mudane Amb. Joachim Waern.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga dhanka Amniga ee labada dal, la-dagaallanka khawaarijta, kordhinta tababarada iyo taageeradda ay dowladda Sweden u fidiso Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
     
Loading...