Dowladda Hindiya oo kasoo horjeesatay in dembi laga dhigo "kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba"

Saturday October 05, 2024 - 09:17:14
hadhwanaag
Rabshadaha ka dhex dhaca guurka ayaa aad ugu badan Hindiya...



Dowladda Hindiya ayaa kasoo horjeesatay dalabaadka maxkamadda sare ee dalkaas oo lagu doonayo in dembi looga dhigo kufsiga ka dhex dhaca lammaanaha is qaba dhexdooda, iyadoo sheegtay in "taasi ay noqon doonto wax aad u adag".

 

Wasaaradda arrimaha federaalka ayaa Maxkamadda ugu Sarreysa u sheegtay in "ninku uusan xaq aasaasi ah u lahayn" inuu galmo ku qasbo xaaskiisa, balse waxaa jiray shuruuc ku filan in haweenka la qabo ay ka dhowraan tacaddiyada.

 

Maxkamadda sare ayaa dhegeysatay dalabaadka wax looga beddelayo sharcigii xilligii gumeystihii Britain ee dhigaya inaan nin loo ciqaabi karin "kufsi uu ku sameeyay xaaskiisa."

 

Rabshadaha ka dhex dhaca guurka ayaa aad ugu badan Hindiya - sida laga soo xigtay qiimeyn ay dhowaan sameysay dowladda, 25-kii haweenba hal ayaa ninkeeda kala kulanta rabshad dhanka gogosha ah.

 

Kufsiga guurka ka dhex dhaca ayaa sharci-darro ka ah in ka badan 100 dal, oo uu ku jiro dalka Britain oo dembi ka dhigay sanadkii 1991.

 

Balse Hindiya ayaa ka mid ah dalal badan - oo ay ka mid yihiin Pakistan, Afghanistan iyo Sacuudi Carabiya - halkaas oo sharcigu uu keliya ku qoran yahay buugaagta.

 

Tiro dalabaad ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay loo gudbiyay maxkamadda si meesha looga saaro Qodobka 375 ee dastuurka Hindiya, kaasoo jiray tan iyo sanadkii 1860. Sharciga ayaa wuxuu dhigayaa in marka xaalado badan la eego aysan galmadu ahayn kufsi waxaana ka mid ah tan "ninku uu la wadaago xaaskiisa" haddii aysan ahayn mid aan qaan-gaar ahayn.

 

Dadka u ololeeya arrintan ayaa sheegaya in dooddan aan lagu dabaqi karin xilligan casriga ah isla markaana galmada qasabka ah ay tahay kufsi, iyadoo aan la eegeyn cidda geysatay.

 

Qaramada Midoobay, Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay diidmada Hindiya ee dembi looga dhigayo kufsiga guurka ka dhex dhaca.

 

Balse dowladda Hindiya, kooxaha diinta iyo kuwa u ololeeya xuquuqda ragga ayaa ka soo horjeestay qorshooyin walba oo wax looga beddelayo sharciga oo dhigaya in gogosha ay tahay wax ka mid ah guurka oo xaaskuna aysan diidi karin.

 

Maxkamadaha ayaa xukunno iska hor imaanaya kaoso saaray, mararka qaarna waxay ninka u oggolaanayeen in loo maxkamadeeyo kufsi iyadoo qaar kalena ay taasi laalayeen.

 

Kiiskan ayaa la geeyay Maxkamadda ugu Sarreysa kadib markii maxkamadda sare ee Delhi ay sanadkii 2022 ridday xukun lagu kala qeybsamay. Maxkamadda sare ayaa dhegeysiga billowday bishii August.

 

Jawaabta dowladda ay ka bixisay ee ku xusay dukumentiga 49-ka bog ka kooban ee loo gudbiyay Maxkamadda ugu Sarreysa shalay la yaab kuma aha dal ay saameeyeen kala qeybsanaan dhanka dhaqanka ah halkaasoo guurkuna uu ka yahay lama taabtaan.

 

Warbixinta ayaa sheegeysa in guurku uu yahay xiriir "heer kale ah" uuna leeyahay shuruuc badan oo u gaar ah, xuquuqo iyo xeerar.

 

In dembi laga dhigo kufsiga la sheegay inuu lammaanaha ka dhex dhaco "waxaa laga yaabaa inuu aad u saameeyo xiriirka gogosha uuna guurka ka dhex horseedo dhibaatooyin badan”, ayaa lagu yiri.

 

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guurku yahay wax u dhaxeeya lammaane uuna leeyahay xuquuqo ay gogosha ka mid tahay sidaas darteedna aan qiil la gelin karin.

 

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay inay jiraan shuruuc u gaar ah oo lagu maareynayo tacaddiyada guryaha ka dhex dhaca.

bbc/somali
     
Loading...