Aynu eegno xaalad caadi ah. Ka soo qaad labo qof oo wadada dhinaceeda ku ordaya oo is dhaafay. Waxaa laga yaabaa in ay saaxiibo yihiin, ama xiriir kale ka dhexeeyo. Mid ka mid ah ayaa kan kale salaamay isagoo dhahaya, sidee tahay? Isla markiiba qofka kale ayaa ku jawaabaya isagoo leh xaaladda ma fiicno. Sidaas ayeyna ku kala tagaan.
Hadalkaas kooban ee lays dhaafsaday wax dhibaato ah ma laha, waana hab ay dadka caadiyan ku xiriiraan. Waana wax iska caadi ah marka sidaas laysula hadlo in dadku ka cawdaan waxyaabo yar yar sida ciriiriga waddada, cimilada ama shaqada.
Dadka qaar in ay dareenkan kula wadaagaan wax dhibaato ah ma lahan or ama wayba caawineysaa maadaama ay siineyso fursad ay dareenkooda kaga hadlaan.
Si kasta ha ahaatee, cabashada badan waxay leedahay saameyn qoto dheer. Ma saameyso oo kaliya maskaxda iyo shucuurta qofka cabanaya ee waxay sidoo kale saameysaa dhageystaha.
Muddo ka dib dareenka xun wuxuu sidoo kale saameynayaa caafimaadka jireed taas oo ka dhigaysa in uu xadka dhaafo.
Marka ay cabashada joogto noqoto maxaa dhacaya?
Halkan waxaan kaga hadleynaa qanacsannaan la’aanta soo noqnoqota, niyad jabka ama murugada ka timaada xaalada dareenka xun. Waa dhibaato guud taas oo laga arki karo qoyska dhexdiisa shaqada ama arrimaha kale ee bulsho.
Mararka qaar cabashada waa dareen aadanaha ku jira. Daalka jireed iyo kan niyadda laga daalo waxa uu yimaadaa marka xaalad aan fiicneyn ay saameyso nolol maalmeedkaada joogtada ah.
Haddaba maxaa keena in aan cabano markasta? Khubrada qaar ayaa aaminsan in sababta keenta cabashada ay tahay si loo yareeyo walaaca ama in la helo taageero.
Sidoo kale waa arin bulsho oo dadka ku wada xiriiraan taas oo aadanaha ku dhaqmo. Dhibaatadu waxay timaadaa marka ay noqoto cabashada mid joogto ah.
Xaaladda waxaa kaga sii dara marka cabashada la geeyo baraha bulshada ama si khaldan loogu isticmaalo. In cabashada la keeno baraha bulshada waa wax lagu yaqaano dhallinyarada iyo kuwa baraha bulshada saameynta ku leh. Waxay u sameeyaan in ay helaan dareenka dadka ku taxan ama in ay abuuraan dood.
Saameynta ay maskaxda iyo caafimaadkeeda ku leedahay
Inkastoo tani muhiim u tahay qeybaha cilmibaarista, hadana waxay u baahan in si weyn loo sii darso. Dhakhaatiirta cilmiga neerfaha ayaa hore ugu sameeyay baaris cabashada iyo cawaaqibka ka dhashay in wax walba la eedeeyo.
Cilmibaarisyo kala duwan ayaa xaqiijiyay in maskaxda bani’aadanka loo sameeyay in ay ogaato khataraha iyo dhibaatooyinka taas ayaana sharaxeysa sababta ay ugu fududahay in diiradda la saaro dareenka xun iyo sababta ay dadka qaarkii ugu sahlan tahay.
Maskaxda bani’aadanka waxay diiradda saartaa xumaanta sababtoo ah waxay taas u muujisa khatar dhab ah, waana arrin kumanaan sano soo jirtay.
Saameyntaas waxaa la yiraahdaa "Diidmo aan wax ku ool aheyn” taas oo dhibaato u geysan karta deegaanka aad ku nooshahay. In si joogto ah diiradda loo saaro arrimaha khaldan waxay wax ka badaleysaa sida dadka adduunka u arkaan.
Daarasadaha qaar ayaa muujinaya in falka cabashada ama qoomameynta joogtada ah ay keeni karaan isbeddel ku yimaada qaab dhismeedka maskaxda taas oo horseedi karta in dhibaato la xaliyo iyo dhibaato kale.
Tani waxay ka dhigan tahay in qofka cabanaya ay suuragal tahay in uu fahmo howlo ay ka mid yihiin xallin dhibaato, go’aan gaaris ama qorshooyn.
Sidoo kale waxay abuureysaa niyad jab dheeri ah oo ka yimaada cabashadaas. Waxaa kaloo la ogaaday in ay cabashooyinka joogtada ah ay yihiin kuwa keena welwelka iyo niyadjabka.
Waxyaabo kale ay keeneyso waxaa ka mid ah dhallanteed, kalsooni- darro, daal jireed iyo mid maskaxeed. Dadka ka cawda wax kasta waa kuwo niyad jabsan oo aan u adkeysan karin dhibaatooyinka soo wajaha.
Habka loo joojiyo caadadaas.
Halkan waxaan idinku haynaa sida ugu fudud ee wax looga qaban karo aragtida xun iyo dhibaatada maskaxeed ay leedahay.
Ku qanacsanow waxa aad haysato adigoo diirada saaraya halka aad mareyso kana mahad naqaya waxa aad gaartay.
Waa in aad sidoo kale xal heshaa. Waxaad sameysaa liiska wixii suuragal ah ee lagu hagaajin karo xaaladda taas oo ku siineysa dareen aad xaaladda ku xukumi karto.
Dhakhaatiirta maskaxda waxay noo sheegan hadii aad ka warhayso luuqadda aad isticmaaleyso oo aad ka dhigto mid fiican ama dhexdhexaad ah waxay taas kaa caawineysaa in aan baddesho fakarkaada.
Sidoo kale waxaad ka fogaataa sheekooyinka xun ee aan xalka fiican dhibaatada u keeneyn.
Waxaa shaki ku jirin hadii aad ka fogaato cabashada joogtada ah in ay taasi kor u qaadeyso tayada noloshaada.
bbc/somali