Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Cadeeyey Aragtida Uu ka Qabo Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

Saturday July 06, 2024 - 08:56:13
Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Cadeeyey Aragtida Uu ka Qabo Heshiiska Somaliland Iyo Itoobiya

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar, ayaa shacabka Itoobiya ugu baaqay inay soo dhaweeyaan isla markaana difaacdaan Heshiiska Is-afgarad ee dhexmaray Somaliland.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo la hadlay warbaahinta dalka Itoobiya, waxa uu caddeeyey inay danta Soomaalida iyo guud ahaan shucuubta dalka Itoobiya ku jirto inay helaan marin-badeed, sidaa awgeedna ay waajib ku tahay qof oo ku abtirsada Itoobiya inuu difaaco heshiiska is-afgarad ee Somaliland.

Madaxweyne Mustafe Waxa uu ku baaqay inay Shacabka Itoobiya dhegaha ka furaystaan wax uu ku tilmaamay ‘cadowga Itoobiya’ ee ka soo horjeeda horumarka dhaqaale ee dalkooda.

Madaxweyne Cagjar waxa ku sheegay in Heshiiskani ku dhisan yahay dano- isweydaarsi ama Iskaashi aylabada Dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya ku kobcinayaan dhaqaalahooda iyo xidhiidhka Ganacsi ee ka dhexeeya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Raysal wasaaraha Itoobiya, ayaa bishii January ee sannadkan ka saxeexday heshiis is-afgarad oo nuxurkiisu xambaarsan iskaashi dhinacyo kala duwan ah.

Qodobbo ka mid ah Heshiiska, ayaa dalka Itoobiya u oggolaanaya inay hesho dhul kiro ah oo ay ka hawl-galaan Ciidamadeeda Badda, waxaanay taas beddelkeeda Somaliland helaysaa inay Itoobiya noqoto dalkii ugu horreeyey ee waddan madax-bannaan u aqoonsada Somaliland tan iyo markii ay madax-bannaanideeda dib ugala soo noqotay Somalia sannadkii 1991-kii.


     
Loading...