Musharixiinta ay Suuragalka Tahay Inay Badelaan Madaxweyne Biden Haddii Uu Doorashada Ka Baxo

Wednesday July 03, 2024 - 09:05:07
Musharixiinta ay Suuragalka Tahay Inay Badelaan Madaxweyne Biden Haddii Uu Doorashada Ka Baxo

Madaxwaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa dooddiisii liidatay ee telefishinka laga sii daayay todobaadkii hore waxa ay ka nixisay xisbiga Dimuqraadiga waxaana ay dhalisay dood ku saabsan cidda ku tartami karta booskiisa haddii uu ka tanaasulo.

Inkasta oo isbeddelka noocaas ah aan hadda la fileyn, haddana waxa uu abuuri doonaa dagaal fool xun ka dhex dhaca xisbiga Dimuqraadiga bilo ka hor codbixinta.

Dimuqraadiyiinta ayaa muujiyay cabsida iyo shakiga laga qabo musharaxnimada Biden, taasoo dhalisay dood badan oo ku saabsan in 81-jirka uu yahay qofka saxda ah ee la tartami kara Trump bisha November.

Haddaba waxaa jira siyaabo badan oo lagu bedeli karo Biden gudaha xisbiga, laakiin bilo kaliya ayaa ka haray codbixinta, fursadaha uu Biden ku bixin karo waa kuwo aad u yar.

Laakiin haddii ay dhacdo, waxaa jira dhowr musharrax oo suurtagal ah inay buuxiyaan doorkiisa waxaana ka mid ah 


Madaxweyne ku xigeenka hadda Kamala Harris, waxa ay dhalatay 1964-tii

Doorashada Mareykanka

Gretchen Whitmer, Guddoomiyaha Michigan, waxa ay dhalatay 1971

Doorashada Mareykanka


Guddoomiyaha California Gavin Newsom (wuxuu dhashay 1967)

Doorashada Mareykanka

Xoghayaha Gaadiidka Pete Buttigieg (wuxuu dhashay 1982)

Doorashada Mareykanka

Guddoomiyaha Gobolka Pennsylvania Joshua Shapiro (wuxuu dhashay 1973)

Doorashada Mareykanka

Jay Robert Pritzker, Guddoomiyaha Gobolka Illinois (wuxuu dhashay 1965)

Doorashada Mareykanka


Beddelka kale ee suurtagalka ah?

Maaddaama Xisbiga Dimuqraadigu uu si qoto dheer ugu daray kursigiisa murashaxiinta mustaqbalka ee madaxweynenimada, liiska beddeli kara Biden ayaa ka sarreeya shakhsiyaadkan.

Guddoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ayaa soo jiitay dareenka qaranka ka dib markii uu ku guuleystay laba xilli oo dimuqraadi ah gobol qoto dheer oo muxaafid ah.

Guddoomiyaha gobolka Maryland Wes Moore ayaa bilihii la soo dhaafay aad loo hadal hayay ka dib burburkii buundada Francis Scott Key.

Senatarrada Federaalka Amy Klobuchar iyo Cory Booker ayaa sidoo kale inta badan la sheegaa. Labaduba waxa ay hore uga qaybqaateen ololayaal madaxtinimo waxayna sumcad gaar ah ku leeyihiin xisbiga Dimuqraadiga.

Waxaa sidoo kale jira Senetarka Georgia Raphael Warnock, kaasoo ku guuleystay doorashooyinkii gobollada muhiimka ah oo sidoo kale loo arko inuu yahay beddelka suurtagalka ah ee Biden.



Source:BBCsomali

     
Loading...