Tariikh iyo Halyeey Xusud mudan : Kumuu ahaa Halyeygii Calanka soomaliya Saaray Habenkii Xornimadda Ee 1luulyo 1960

Tuesday July 02, 2024 - 10:39:29
hadhwanaag
Halyeel, Halgamaaa ,Askari qaran


..............................................................................

Hajji_Mohamud_Diini_Ahmed

•Wuxuu sannadkii 1930-kii ku dhashay Degmadda Xarar-dheere Ee Gobolka mudug ,

Hajji mahamud Diini wuxuu ahaa hoggaamiye dabiici ah, oo farac u leh hoggaaminta.

Wuxuu ka yimid qoys hormuud dhaqan ka dhex lahaa reerkii uu ka dhashay,

•Hajigga Dugsiga Qur'aanka wuxuu ka dhigtay degmada xarardhere kaddibna wuxuu waxbarashada billowga ah ka billaabay mid ka mid ah dugsiyadii hoose ee Talyaanigu ku lahaa magaalada Muqdisho,

•Haajigu mudo ka dib waxaa ukici Tamay in Wax ka raadiyo xoriyadii soomaliya

Asagoo ku biiray kooxixii Xornimo doonka.

• Haaji Mohamud Diiniwaxa uu qortay Ciidanka police ka Sanadii 1950 asagoo da`diisa eheed 20 jirwaxaana Hayaaanka xornimada Dooonkaka Soo bilaabay Degmadda buulo barde ee Gobolka Hiiran .

•waxay geediga iyo baadi Goobka xornimada socotaba waxaa lagaaray xilligii koofurta soomaliya ka xoroobi lahayd Gacantii Gumeystihii Talyaaniga .

•Waxaa la joogaaa Habenkii xoriyada

Waxaaa la gaaray xilligii

calanka xidigta caddhexda ku leh midibkiisuna cirka u ek???????? 5 geesna mujinaya midnimadii Somaliya la saari lahaa Halka ugu sareysa Lana soo dajin lahaaa Bandiirada ( calankii ) gumeystaha .

Amintu :waaa 12:00 am saqdhexe

Goobtu :waa Aqalkii Hore Ee baarlamka Somaliya

Taariikhdu :1-luulyo 1960 Habeenimo Jimco ah .

• waxaa la Raaadiyay Ninkii Saari lahaa Calanka Soomaliya ayadoo markaa la raadinaaayay

Nin muqaal Ahaan dheermisena xoog leh ,midibkiisana casaan yahay ayadoo ujeedka ahaa in la muujiyo heybada iyo Dhiiranaanta Dalka& Dadka Soomaliyeed iyo in lahelo nin u dhigmaninka Talyaaniga ee dajinaya calankiisa,

•Waxii la raaadiyayba halyeeygii saari lahaa Calanka ugu dambeyn waxaa lasoo xulay oo astaamihii Laga helay

Halyeel, Halgamaaa ,Askari qaran

Hajji mahamud Diini Ahmed

Asaga ayaana calankii Saarayhabeenkii Xoriyadda Gobaladda Koofured Somalia ,

Isla habeenkaa waxaa lagu abaal mariyay xidigo⭐ku muteystay geesinimadii oo Calanka ku saaray,

Habeenkaa waxay eheed habeen soomaliya ka madax banaanatay gumestihii gacanta ugu jirtay .

•soomaliya waxaa u dhalatay dowlad waxaa midowbay labadii Gobol waqooyi iyo koofur .

•Hajji mahamud halkii ayuu ka sii amba qaaday u adeegida qaranka waxa uuna markii dambe Hogaamiye ka noqday xeradii Gaadiidka ciidanka police ka soomaliyed halkaa oo Dajooyin badan ka siigaaray wuxuuna qaranka soomaliya ushaqeenay muddo aad u badan Laga Soo bilaaboSanadii 1950....1991 ka dib burburkii Qaranimadda iyo Dowladdi Somaliya Laga Soo gaaro .

• Ugu dambeyn Hajji mahamud Diini wuxu geeriyooday Sanadii 2011 maalinimo khamiisa ah bishana eheed 30 maarso (match ),

Waxay Ajasha rabi ugu Timid Dagmadii oo ku dhashay ee Xarardheere Taa oo ka Soo bilaabay halgankii iyo u adeegidii qaranka soomaliyed.

Rabbi naxariistii Jano Ha siiyo ???? .

#maamuus_Tixgalin :

Tariikhdaaan qiimaha badan waxaa Laga qoray

Halyeey : awowe #Dagaaal_Cali_looyeer da'diisu Tahay 87 jir ku nool Degmadda Guriceel Ee gobolka Galgaduud Eebe cimrigiisa caafimaad ha ugu siyaadiye

Waxa uu ahaaa saxiibkii ugu dhawaaa mahamud Diini waxayna iskala Soo shaqeeyen xerada Gaadiidka ciidanka boliska soomaliyedsanadii (1960......1970).

Sidoo Kale Tariikhdaan waxaa laga Helay Keydka xasuusaha xaajiga uga Tagay Reerka si Qaas

maamadda Reerka

Haajiyo_Dahabo_Faraax_Good

Qalinku : Ahmed Yare .

Part 1

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...