Somaliland Oo War Ka Soo Saartay Dhalinyaro Muqdisho Ku Xidhan.

Monday June 17, 2024 - 18:37:46
Hadhwanaag
"waxaan safaaradaha mar kale ka dalbanaynaa inay soo eegaan xaalada…"



Hargeysa (HWN) Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed ‘’Cali Mareexaan’’ ayaa maanta ugu baaqay hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha u dooda inay ka hadlaan dhallinyaro u dhalatay Somaliland oo si xaq daro ah ugu xidhan Magaalada Muqdisho kuwaas oo loo geystay Tacadiyo kala duwan.


Dhallinyaradan oo maamulka Muqdisho u xidheen dilkii foosha xumaa ee lagu khaarajiyey Aqoon yahan Cabdinaasir Dahable ayaa la sheegay in xabsiga ay ku xidhan yihiin loogu geystay jidh dil laga argagaxo, kaas oo maamulka Muqdisho ku rabo inay ku qirtaan dhagar aanay geysan.


Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in dhallinyaradii falkaas dhagarta ah lagu shirqoolay ay weli ku jiraan gacanta dawladda Somalia isagoo arrintaas ka hadlaya waxa uu yidhi.‘’Dhallinyaradii Xamar innagaga xidh-xidhnayd ee dawladda Xamar ay mu’aamaradaysay ee loo xidhay ninkii ka shaqaynayay duulista Soomaaliya, intii kale ee saaxiibadiisa iyo walaaladiisa ahaa ee la shaqaynaysay lagu mu’aamaradeeyay dilkiisa weli way xidhan yihiin, waxaa la rabay inta la jidh dilo  oo denbiga la saaro, hasa yeeshee Ilaahay SWT ayaa fashiliyey’’.


Wasiirka Cali Mareexaan  wuxuu baaq dheer u diray Hay’adaha Qarammada Midoobay, Kuwa caalamiga ah iyo safaaradaha ka hawl gala Muqdisho waxaanu yidhi ‘’Hay’adaha Xuquuqul iinsaanka ee marka weriye yar la xidho qayliya, waxaan u soo jeedinaynaa inay arrintan wax ka yidhaahdaan, waxaa kale oo aan baaq u diraynaa safaaradaha jooga magaalada Xamar waa inay u tagaan meelaha ay dhallinyaradaasi ku xidh xidhan yihiin, waxaa la soo caddeeyay in qaar ka mid ah dhallinyaradaas faraha la jaray, qaar kood la garaacay, iyo in maamulka Muqdisho haatan ku dhici la’yahay inuu dhallinyaradaas sii daayo amase uu Maxkamad hor keeno maadaama wax kastaa fashilmayaan, waxaan safaaradaha mar kale ka dalbanaynaa inay soo eegaan xaalada dhallinyaradaas oo qoysaskoodana ay warbixin soo siiyaan’’.

     
Loading...