Itoobiya oo difaacday is af-garadkii ay Somaliland la gashay iyo Masar oo mar kale Soomaaliya u muujisay garab istaag

Monday September 30, 2024 - 10:47:57
hadhwanaagtv
Wuxuu meesha ka saaray in aysan jirin sabab dowladda federaalka ..



Itoobiya ayaa difaacday heshiiskii is af-garadka ahaa ee ay la gashay Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland, horraantii sanadkaan.

 

Wasiirka arrimha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie oo dhawaan khubad ka jeediyay shirka Qaramada Midoobey ee New York lagu qabtay ayaa sheegay in is af-garadkaas uu salka ku hayo hannaanka siyaasadeed ee Soomaaliya u yaalla marka heshisi la galayo.

 

Wasiir Taye waxaa kaoo oo uu kulanka Qaramada Midoobey ka sheegay in ujeedda heshiiska ay tahay kobcinta horumarka gobolka. Wuxuu intaa raaciyay in heshiisyo is af-garadkaas la mid ah ay dhawaan la galeen dowlado kale.

 

Wuxuu meesha ka saaray in aysan jirin sabab dowladda federaalka Soomaaliya ay u huriso colaad, iyadoo sida uu hadalka u dhigay ka weecinaysa xiisadaha siyaasadeed ee gudaha ka haysta.

 

Wasiirka arrimha dibadda Itoobiya ayaa tilmaamay in dowladdiisu ay ka qayb qaadatay xasilinta Soomaaliya marka ay timaaddo ciidamada Soomaaliya jooga ewe nabad ilaalinta kuwaas oo la dagaallama kooxaha dowladda ka soo horjeda isla markaana dalkiisu u sameysay Soomaaliya wax uu ku sheegay "naf-hurnimo”.

 

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo dhankiisa isna khubad ka jeediyay shirka Qaramada Midoobey ee New York, ayaa halkaa ka sheegay in Soomaaliya ay wajaheyso xilligaan falal guracn oo uga imaanaya Itoobiya oo sida uu shegay qayb ka mid ah Soomaaliya la gashay heshiis is af-garad ah oo sharciga hareer-marsan.

 

Wuxuu intaa sii raaciyay in tallaabooyinka Itoobiya ay xadgudub ku yihiin midnimada iyo wadajirka Soomaaliya.

Tan iyo markii ay Somaliland la gashay is af-gardka dowladda Itoobiya bishii Jannaayo ee sanakaan, waxaa marba marka ka dambeysa sare u sii kacayay xiisadda diblumaasiyadeed ee labada dal, iyadoo xitaa isku dayo lagu doonayay in lagu heshiisyo oo ay wada hadlaan aaney suurtoobin.

 

Labada dhinac ayaa mid walba ku adkeysanayaa waxa uu rabo oo Soomaaliya waxaa ay marar badan ku celcelisay in Itoobiya ay ka laabato is af-garadka ay la gashay Somaliland, halka Itoobiya-na ay ku adkeysanayso in doonisteeda ku aaddan helista bad ay tahay arrin muhiim ah.

 

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Cabdelatty, oo isla shirka Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey khudbad ka jeediyay, ayaa muujiyay walaaca Masar ay ka qabto dhibaatada biyaha wabiga Niil, isagoo ku nuuxnuuxsaday in aragtida Masar ee xallinta dhibaatada biyaha ay ku saleysan tahay ka faa'iideysiga dhammaan dhinacyada iyo hubinta adeegsi cadaalad ah iyada oo aan waxyeello loo geysan cidna.

 

Waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in ay ku xad-gudubtay sharciga caalamiga ah, isla markaana ay si gooni ah arrintan uga hadashay.

 

"Itoobiya waxay ku xad gudubtay sharciga caalamiga ah waxayna u maareysay arrinta biyaha si kali ah" ayuu yiri wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Badar Cabdelatty. Wuxuu intaa raaciyay:"Qof kasta oo u malaynaya in Masar ay ka tanaasuli doonto khatar kasta oo jirta waa khalad," wuxuu ka digay arrinta biyo xireenka Nile ee Itoobiya.

 

Wuxuu kaloo ku cambaareeyay Itoobiya dhammaan wax uu ku tilmaamay ficillada halka dhinac ah oo uu sheegay in ay halis ku yihiin midnimada iyo madax-bannaanida dhuleeda ee Soomaaliya.

 

Hadalkiisa ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Itoobiya ay walaac ka muujisay shixnado hub ah oo Masar ay siisay Soomaaliya kaas oo gaaray magaalada Muqdisho ayna xaqiijiyeen labada dhinac in hubkaas uu jiro waa Soomaaliya iyo Masar-e.

 

 

Xasan Sheekh iyo Sisi
bbc/somali
     
Loading...