Somaliland oo si adag uga jawaabtay sheegashada DF ee doorashooyinkeeda

Saturday October 05, 2024 - 07:53:05
Hadhwanaag
Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay "ku jees-jees




War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay, hadalkii Wasiirka Arimaha Dibadda ee dowladda federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi uu ka jeediyay shirka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

 

Wasiir Fiqi ayaa fadhiga Qaramada Midoobey ka sheegay in Dawladda Federaalka Soomaaliya si dhaw ula socoto doorashada ka dhacaysa Somaliland bisha soo socota ee November.

 

Qoraalka Somaliland ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ku mashquusho arimaha nabadda iyo soo celin amniga ee dalkeeda.

 

"Somaliland waa dal dhaqan u leh nidaamka dimuqraadiyadda oo dadkiisuna ay xaq u leeyihiin aayo ka tashigooda,” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland.

 

Somaliland ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee doorashada madaxtooyada iyo tan ururrada oo dhacaysa bisha November ee gabagabada sanadkaan 2024-ka.

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka hadlay arrimaha doorashooyinka markii ugu horeysay ka ka jawaabay heesaha lagu karbaashay ee Xidigaha Geeska ay ku dhaliileen xukunkiisa, kuwaas oo toos ula saftay xisbiga mucaaradka ah ee Wadani.

 

Muuse Biixi ayaa heesahaas ku tilmaamay "ku jees-jees ka dhan ah askarta xabsiga u galay difaaca qaranimada Somaliland” sida uu hadalkiisa u dhigay, isagoo sheegay in cida askarta u heestay aysan ilaalinayn marnaba qaranimada Somaliland, wuxuuna ku baaqay in laga feejignaado fariimaha ay faafinayaan, heesahaas iyo kooxaha qaaday.

 

"Ninka maanta nin naftiisa dalka u huray oo xabsi ugu jira u heesayaa ma qaranimada ayuu ilaalinayaa, waxyaalaha qaarkood waa in laga foojignaadaa oo maaha siyaasad iyo tartan toona, qaranka lama taaban karo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

     
Loading...