Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Kursiga Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Kula Dagaalamayso Somaliland

Thursday June 13, 2024 - 07:34:13
Soomaaliya Oo Sheegtay Inay Kursiga Golaha Amaanka Qaramada Midoobay Kula Dagaalamayso Somaliland


Dawladda Somalia, ayaa sheegtay inay sii wadayso dedaallada ay sheegtay inay kaga hor-tagayso heshiiska isfaham ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha dibedda Somalia Axmed Macalin Fiqi oo waraysi bixiyey, ayaa sheegay in Soomaaliya ay u adeegsan doonto awoodda kursiga Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay inay kula dagaalanto Raysal-wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed oo heshiiska badda iyo aqoonsiga la galay Somaliland. "Xubinta Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, Soomaaliya waxay u adeegsan doontaa inay u dooddo qowmiyadaha Amxaarada iyo Tigrayga ee Itoobiya,” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray "Abiy waxa uu xasuuq ku hayaa dadka Itoobiya, waxa uu laayay boqollaal kun oo qof, sida Oromada, Amxaarada, Aaway Gobolka Tigrai, Aaway Gobolka Axmaarada..”

Wasiir Fiqi wuxuu si gaar ah uga hadlay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxaanu wacad ku maray in Soomaaliya ay ka faa’ideysan doonto kursigeeda Golaha amaanka Qaramada Midoobay u adeegsan doonto inay ka hor-tagto "Waxaan daaha ka faydi doonaa xadgudubyada uu taliskii Abiy gaystay, annaga oo adeegsanayna kursigan Golaha amaanka Qaramada Midoobay..”

Wuxuu weerar ku qaaday Somaliland iyo Maamullada Soomaalida oo uu ku eedeeyay inay gacan saar la leeyihiin

Itoobiya, waxaanu heshiiska badda ku tilmaamay in la wareejinayo dhaxalkii Ummadda Soomaalida.

Laakiin, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo toddobaadkan labada Aqal ee Baarlamaanka u jeediyey khudbad-sanadeedka 2024-ka, ayaa sheegay in si deg-deg ah loo hirgelinayo heshiiska badda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiisku marayo meel gebogabo ah.

Heshiiskan oo Madaxweyne Biixi iyo Raysal-wasaare Abiy Axmed kala saxeexdeen 1-dii January 2024, ayaa dhigaya in Itoobiya aqoonsi buuxa siiso Somaliland, taa beddelkeedana ay saldhig Ciidan ku yeelato badda JSL muddo 50 sano ah oo kirro ah.



     
Loading...