Shirkada Iska Leh Facebook Oo Ka Hadashay Cilad Soo Wajahday

Wednesday March 06, 2024 - 07:33:22
hadhwanaag
"iyadoo sheegtay in ay xalisay dhibaatada sida ugu dhaqsaha badan "


Meta ayaa sheegtay in ay xalisay "arrin farsamo" taasoo sababtay in Facebook, Messenger iyo Instagram ay hoos u dhacaan.


Boqolaal kun oo isticmaaleyaal adduunka oo dhan ah ayaa awoodi waayey in ay galaan ku dhawaad laba saacadood Talaadadii shalay.


Dadka isku dayaya in ay galaan mareegaha iyo apps-ka waxay helayeen farriimo khalad ah mana awoodin in ay wax ku daabacaan sidii caadiga ahayd.


Meta ayaa sidoo kale raaligelin ka bixisay dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, iyadoo sheegtay in ay xalisay dhibaatada sida ugu dhaqsaha badan ee ay awooddo.


"Waan ka warqabnaa arrin saameynaysa Galitaanka Facebook. Kooxahayada injineernimada waxay si firfircoon u eegayaan si ay u xalliyaan arrinta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, "bog ay Meta leedaha ayaa sidaas lagu yiri.

Shabakadda dabagalka ee Downdetector waxay muujisay maqnaanshaha ay saameeyay waddamo badan.


Goobaha Meta waa qaar ka mid ah kuwa ugu caansan adduunka. Facebook ayaa leh saddex bilyan oo isticmaaleyaal firfircoon bishii, halka Instagram la filayo inuu gaaro 1.4 bilyan adduunka dabayaaqada sanadkan.


Threads, oo ay kula xafiiltamaan Twitter-ka, oo la bilaabmay 2023, ayaa sidoo kale la arkay maqnaansho la sheegay. WhatsApp - oo ay Meta sidoo kale leedahay - waxay u muuqataa mid aan waxba soo gaarin.


Sababta dhibka keentay lama garanayo.

Cilladda ugu weyn ee ay shirkaddu aragtay waxay ahayd sannadkii 2021, markii aasaasaha Mark Zuckerberg uu raaligelin ka bixiyay carqaladaynta k,u timid hawlihii bogagga.


Xilligaas adeegyada Facebook, Messenger, Whatsapp iyo Instagram ayaa maqnaa ku dhawaad lix saacadood.
     
Loading...