Dimuqraadiyad ma ku dhaqmi karnaa? W/Q: Cali Biixi

Tuesday February 27, 2024 - 12:52:34
hadhwanaagtv
Hadaba waa in aynu fahanaa siday dalalka reer ..


Taariikhda Dimuqraadiyaddu waa taariikh dheer xiliga ay bilaabantay iyo doodihii dhex maray Faylasuufiyiinta iyo culimada siyaasadda . 350 sano ayaa laga joogaa , dawladaha qaatay maamulka siyaasaded ee Dimuqraadiga ah .

Inagu iyo dawladaha dunida saddexaad intooda badani madax banaanida waxay haysteen 50 sano ama 60 sano ama 70 sano intooda badani .

Markaa maamulo badan oo kala duwan ayay soo mareen oo ay dhamaantii ku guul daraysteen in ay maamul iyo xukun wanaagsan ay sameystaan .

Hadaba waa in aynu fahanaa siday dalalka reer galbeedka ay ku gaadheen nidaamkan iyo Dimuqraadiyadan iyo noloshan ay maanta heystaan ee ay guusha ka gaadheen?

Ninkii Faylasuufka ahaa ee siyaasiga ahaa ee la odhan jiray Thomas Hobbes qarnigii 1650 ayaa waxa uu qoray buugiisii (bahalnimada) ee uu ku tilmaamaayay nolosha dadka iyo maamulka jira ee ku salaysan cadaawadda iyo dagaalka iyo boobka iyo dhaca iyo dhiiga iyo nolosha sida loo kala adag yahay in loo nool yahay iyo xasilooni darada iyo nabad gelyo darada

Markaa waxa uu soo jeediyay in la helo xaakim adag oo awoodaha oo dhan ka sareeya oo aan dhegeysan gole baarlamaan ama maxkamad oo keligii taliye ah .laakiin la doorto . ( oo la helo heshiis xaakimka la dhexeeya iyo bulshada) heshiis bulsho.

Waxa uu is a yidhi madaxweynihii USA Abraham Lincolin in ay Dimuqraadiyaddu tahay nidaam shacab ku doorto maamulkiisa .

Faylasuufkii Herodutas waxa uu yidhi : Dimuqraadiyaddu waa maamul shacabku ay doortaan oo intiisa badani waxa ay doortaan lagu maamulaayo.

Qaar kalena waxay yidhaahdaan: waa maamul shacabku uu doorto cidda u talinaysa oo xukumaya hadii uu ka leexdo distuurka u yaala . Tafsiiro badan iyo ujeedooyin kala duwan oo fara badan ayaa lagu fasiraa iyo koox kastaaba sida ay jeceshacay .

Hadaba waxa hubaal ah in ay Dimuqraadiyaddu tahay halgan umadeed oo joogto ah Waanaynu aragnaa in ay ka dhicisawdey Dimuqraadiyadii ay qaateen dalalka Tuunis iyo Masar iyo Suudaan oo ay ku guul daraysteen dalal kale oo badani sida Ethiopia iyo Eritrea iyo Shaad iyo sida ay weli u jaah wareersan yihiin ee ay u asqeysan yihiin dalal kale oo Africa ah oo badani sida aanay u fahman Dimuqraadiyada iyo maamul keeda

Qaar kalena in ay ka socdaan dagaalo iyo boob iyo dhiig iyo dhac , sida dalka Yemen iyo Ciraaq iyo Suuriya iyo Liibiya iyo Somaliya oo ay ku jiraan noloshii qarnigii 17 horaantiisii, welina aanay haysan xasilooni iyo nabad gelyo iyo maamul ,welina ay u hadhsan tahay waddo dheeri.

Hadaba inaga (Somaliland) xaggay mareysaa? Ama taagan tahay taariikhda iyo maamulka Dimuqraadiga ah?

Somaliland waa maamul jilicsan oo la jiifiyaana banaan , la joojiyaana banaan oo aan weli tijaabo gelin , oo weli lays jiid jiidanaayo oo aan weli helin wadadii uu qaadi lahaa ama aan u bislayn nidaamka Dimuqraadiyada ama aan farming ama aan qaadan karin ujeedada Dimuqraadiyada iyo nidaamkeeda balaadhan ee u baahan halgan umadeed iyo bisayl iyo fahan .

Qofku waa in uu gartaa xuquuqdiisa iyo waxa waajib ah ee lagu leeyahay (waxa uu xaq u leeyahay iyo waxa waajib loogu leeyahay) Waddo dheer oo iftiin iyo aqoon iyo fahan iyo bisayl u baahan, ayaa hortaala shacabka iyo bulshada Reer somaliland Oo u baahan wada jir iyo isku duubni i yo feejignaan badan .
 

Cali Biixi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...