"Itoobiya Doorashada, Muuse Biixi Ayay Gacan Siinaysaa"

Monday April 22, 2024 - 14:31:59
Hadhwanaag
"Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo faragelin gurracan"

 
Muqdisho (HWN) Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in doorashada Somaliland ay mihiim utahay Somaliya.

Xildhibaanka ayaana intaasi ku daray in Itoobiya ay doorashada gacan ku siindoonto Muuse Biixi sidii uu kursiga ugu sii fadhiyi lahaa, sida uu xildhibaanku ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.


"Waxaa bogaadin mudan guddiga doorashooyinka Somaliland ee ugu danbayn go’aamiyey in bisha November ee sanadka la qabto doorashooyinkii madaxtinimada maamulkaas. 

Sida la wada ogsoonyahay doorashadani waxay ku timid halgan iyo loollan adag, iyada uu labo sano oo muddo xileedkiisa ka dheeri ah Muuse Biixi kursiga ku mitidayey. Waxaa u rajaynaynaa in ay si nabad ah oo daahfuran ku dhacdo.
 
Waa doorasho muuhiim u ah Somaliland iyo Soomaaliya. Inkastoo ay teeda haysato ciddii ay taageertana culays ku tahay, maadaama aysan tabar dhaqaale iyo mid diblomaasiyadeed lahayn, Itoobiya waxay isku deyi doontaa in ay xeelado taban iyo faragelin gurracan ku gacansiiso Muuse Biixi oo ay ka mid tahay dagaal lagu qaado Khaatumo, iyo in la boobo doorashada.
 
Xisbiyada Mucaaradka ah iyo ururrada kale ee siyaasadeed ee Somaliland, waxaa saaran masuuliyad wayn oo u bahaan xikmad , dulqaad, ku dhac iyo dhiiranaan lagu wajo mitid dirirka Muuse, caqabadaha uu dhigayo iyo miinooyinka siyaasadeed ee uu aaasayo."


Xidhiidhka Muuse Biixi laleeyahay Itoobiya ayaa wanaagsanaaday intii uu Muuse heshiiska badda lagalay Itoobiya.
     
Loading...