Xukuumada Muuse Biixi Oo Boorama Ku Xidhay Siyaasi Mucaarada & Waddani Oo Cambaareeyay.

Wednesday May 01, 2024 - 09:10:58
Hadhwanaag
"Cambaarayn Xadhig Sharci Darro ah"

Hargaysa (HWN) Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI Yoonis Axmed Yoonis ayaa cambaareeyay xadhig xukuumada Muuse Biixi kula kacday Cabdiwahaab Cismaan Cumar oo lagu xidhay magaalada Boorama.


Xoghayaha ayaa xadhigan ku tilmaamay mid sharci darro ah, sida uu qoraalkan hoose ku sheegay xoghayuhu.


Ujeedo: Cambaarayn Xadhig Sharci Darro ah

Xisbiga WADDANI waxa uu sida ugu adag u cambaaraynaya xadhigga sharci darrada ah ee xukumadda Kulmiye magaalada Boorama  ugu gaysatay Cabdiwahaab Cismaan Cumar (Unity) oo ka tirsan dhallinyarada saamaynta leh ee xisbiga WADDANI.

Cabdiwahaab Unity waxa xorriyaddiisa looga qaaday iyada oo aan dariiq sharci loo marin. Xadhiggiisu waa mid ka hor imanaya xorriyatul qawlka iyo shuruucda dalka oo Dastuurku ugu sareeyo kaas oo si weyn u dhawray xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.

Xukumadda Kulmiye waxaanu uga digayna tallaabooyinka ay ku cabudhinayso muwaadiniinta Somaliland ee aragtidooda sida salmiga ah uga dhiibanaya arrimaha siyaasadda ee masiirkooda taabanaya iyo xaaladaha wakhtigan taaggan, taas oo sharcigu u ogol yahay.

Waxa muuqata in xukumadda Kulmiye siyaasi Cabdiwahaab Unity u xidhay aragtidiisa siyaasadeed iyo mawqifkiisa ah in uu xisbiga WADDANI ka mid noqdo. Waxa muuqata in hoggaamintiisa dhanka isbedelka u jehaysay dhallinyarada reer Awdal ay xukumaddu xamili wayday sidaas darteedna ay si sharci darro ah u qafaalatay muwaadinkan shuruucda dalku u dammaanad qaadday xorriyaddiisa siyaasadeed
.
Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in ay si shuruud la'aan ah oo degdeg ah ku soo dayso Cabdiwahaab Unity islamarkaana joojiso tallaabooyinka lagu xannibayo aragtida xorta ah ee dhanka siyaasadda ee muwaadiniinta Dastuurku u dammaanad qaaday.

Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI

Mudane Yoonis Axmed Yoonis
     
Loading...