Xildhibaan Maxamed Abiib Oo Duray lacag Muuse Biixi, Daahir Riyaale Ugu Dhiibay Awdal.

Tuesday April 30, 2024 - 12:07:50
Hadhwanaag
"dadka reer Awdal uma baahna milyanka qarafada ah "
Hargaysa (HWN) Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan golaha Wakiilada Somaliland ayaa sheegay in gobolka Awdal ubaahnayn halmilyan oo loosoo qarafeeyo, isagoo duraya halmiyan oo Daahir Riyaale sheegay in Muuse Biixi ugu dhiibay dhismaha dekeda Lughaya.

"Madaxweyne Rayaale wuxuu yidhi hal milyan oo Dollar baa lay soo dhiibay, sababta halka Milyan hadda loogu soo dhiibay waa la garanayaa,  dadka reer Awdal uma baahna milyanka qarafada ah waxannuna u aragnaa in ay nusqaan ku tahay dadka reer Awdal" Xildhibaan Maxamed Abiib.

Xildhibaanka ayaa intaasi ku daray in mar uun uu ilaahay ka rajaynayay in uu ku simo Muuse Biixi oo Gobolka Awdal cod ka doonaya, haatana ay tahay markii Muuse Biixi shacabku ay kaga aarsan lahaayeen fartooda.


Hadhwanaagenws
Hargaysa/Office.
     
Loading...