Maxay Tahay Digniinta Xisbiga Waddani Udiray Muuse Biixi?

Tuesday April 23, 2024 - 18:23:07
Hadhwanaag
"Waxaannu madaxweynaha uga digaynaa, haddii ..."


Hargaysa (HWN) Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa ka hadlay cayimaada maalinta Doorashada Somaliland ay dhacayso lagu sameeyay.
Xoghaye Khadar ayaana Muuse Biixi usoo jeediyay in uu xilka wareejiyo haddii laga guulaysto, sida uu ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.


"Waannu soo dhoweynaynaa in ugu dambayn si rasmi ah loo cayimay maalinta doorashada. Umaddayada Somaliland waxaannu ugu baaqaynaa, in ay u diyaargaroobaan halganka qaranka lagaga badbadinayo talo xumada madaxweyne Biixi ee burburisay wadajirkii ummadda, jebisay ciidankii Qaranka, albaabada u laabtay dhaqaalihii, israacsanaantii dhuleed ee dalkana furfurtay.

Waxaannu madaxweynaha uga digaynaa, haddii uu ku guuldarraystay in uu warejiyo Somaliland tii nabadda,  wadajirka iyo horumarka, in uu ugu sii daro dambaabidho isa sii kaba raacisa,  ee uu xilka u wareejiyo si nabad ah, isaga oo dhowraya sunnihii wanaagsanaa ee lagu bartay madaxweynayaashii ka horreeyey."
     
Loading...