Muuse Biixi Oo Xil Ka Qaadis iyo Magacaabis Sameeyay.

Monday April 22, 2024 - 13:59:03
Hadhwanaag
Wareegto Madaxweyne.


Hargaysa (HWN) Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xilkii ka qaaday wakiilkii Somaliland ufadhiyay dalka Itoobiya Cumar Cali Cabdilaahi, magacaabayna wakiilka cusub ee Somaliland uafadhiyi doona Itoobiya.


Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Somaliland ayuu Muuse Biixi ku yidhi sidan "Waxaan go’aamiyey in  laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka. 

Waxaan Go’aamiyey;

In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya."


Digreetada laguma sheegin sababta xilka looga qaaday wakiilkii hore ee Somaliland ufadhiyay Itoobiya,
     
Loading...