Xilalka Xukuumada Ee Muuse Biixi Siiyay Beesha Ciise Muuse.

Tuesday April 23, 2024 - 20:13:03
Hadhwanaag
"waxa kale oo jirta in uu ku yodhi Ex. Wasiir M. S. Gees sida ku qoran buugiisa"

 
Wali waxa aynu ku jirnaa in aan qiimayno si bilaa turxaan ah 7dii sanno sida uu u shaqaynaayay nidaamka xukuumadda Kulmiye ee taladda haysa iyada oo aynu ka eegayno meelo kala duwan waxa aynu ku jirnay dhanka saami qaybsiga beelaha khaas ahaan beesha Subeer Awal iyo sida ay u kala sad bursiimo badan yihiin hore waxa aan idinkula waddaagay beelaha Sacad Muuse, caawana waa wallaalkood Ciise Muuse, liiskan hoose ka eeg. 

Xiligii Maxamed Ibraahim Cigaal Madaxweynaha ahaa dhanka saamiga dawlada waxa uu u badiyay Sacad Muuse, waxaanu isu dhigay in uu isagu matalo Ciise Muuse sida uu u sheegay odayaal reer Saaxil ah oo mar u tagay iyaga oo qawadsan cadka kaga soo hagaagay dawladnimada si kooban wuxuu ugu yidhi "sooniga anigu jooga horta yaa iga sareeya"  waxa kale oo jirta in uu ku yodhi Ex. Wasiir M. S. Gees sida ku qoran buugiisa, " Geesow eri Wali Daa'uud Cigaal oo ay ilmaadeer ahaayeen Cigaal"  isaga oo diidan in dawladnimada lagu arko qof qoyskiisa ah.  [Maxaan eryaa waa shaqaalee] Gees. 

CIISE  MUUSE

    * MAXAMED CIISE

*ABOKOR JIBRIIL

1-Gudoomiyaha Maxkamadda Sare  R. Wacays .

*MUUSE JIBRIIL

2-Wasiirku xigeenka Arrimaha Gudaha.   Deerayahan.

3-Taliye kuxigeenka Sirdoonka Qaranka.  Deerayahan.

4-Badhasaabka Saraar                                Dhogori.

5-Agaasimaha guud ee Deegaanka        Cabdala Qoyan.

6-Xubin Komishanka AIDSKA                   Cabdiraxmaan Muuse.

* CUMAR JIBRIIL

7-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

8-Xubin Boardka Dekedaha iyo Freezoneka.

* IDARAYS CIISE.

8-Xubin Komishanak Xuquuqal Iinsaanka.

* ABOKOR CIISE

9-Xubin Gudida Diiwaangelinta Ururada.

10-Safiirka  Jarmalka.

* AADDAN CIISE.

11- Wasiirka  Shaqada                             R.Iidle.

12-Hantidhawraha guud ee Qarankam   R.Iidle.

13-Maareeyaha Dekedaha               R.Maxamuud.

14-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibada        Abrayn.

15-Xubin Boardka Dekedaha iyo Freezoneka  Gurux.

16-Taliyekuxigeenka  Ciidanka Badda.        FIq Wacays.
 
Waxaan filayaa kooxdani waa kuwa codka ka dooni doona Saaxil doorashada inagu soo aadan, waxa ka horeeya weydiimo badan iyo baahiyo badan oo bulsheed.

Lasaco waxa inoogu xigi doona 10 Raas oo Ciise Muuse ah kuwaasi oo aanay marna qaban tigreeto Madaxweyne intii uu xilka hayay Madaxweyne Biixi.

Q/r Nuuradiin Diini .
     
Loading...