Ciidamada Somaliya Oo Dhoolatus Kenya Ka Dhacaya Ka Qayb Gelaya.

Sunday February 25, 2024 - 07:03:28
hadhwanaag
"Askarta Danab ee Soomaaliya ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ..."




Tobannaan askari oo ka tirsan ciidanka sida gaarka ah u tababarran ee kumaandooska Danab ee Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray dalka Kenya.


Ciidankan oo uu taageero Maraykanka, isla markaana uu qalabeeyo, ayaa dalka Kenya uga qaybgali doona dhoolatus milatari oo ay ka qayb qaadanayaan ciidamada dhawr wadan oo ka socda Afrika.


Askarta Danab ee Soomaaliya ayaa noqonaya kuwii ugu horreeyay ee dhoolatus milatari dalka dibaddiisa uga qaybgala, tan iyo markii ay burburtay dawladdii Maxamed Siyaad Barre 1991-kii.


Taliyaha Milatariga Soomaaliya Janaraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin ayaa ku booriyay ciidanka Soomaaliya uga qaybgalaya dhoolatuska, in ay muujiyaan karti dheeraada si ay uga dhex muuqdaan boqolllaalka askari ee kala qaybgalaya dhoolatuska, una soo jiidaan magac iyo sumcadba qaranka Soomaaliya.


BBC
     
Loading...