DEG DEG Taliyeyaasha Ciidamada Itoobiya oo gaadhay Jigjiga.

Friday September 06, 2024 - 11:54:27
hadhwanaag
Ujeedka safarka saraakiishan Itoobiyaanka ah, ayaa.....

No description available.


Taliyaha guud ee Ciidamada Itoobiya Berhanu Jula iyo wefdi uu hoggaaminayo oo uu ku jiro ku xigeenkiisa Janeraal Abebaw Taddese, ayaa waxaa ay maanta gaadheen magaalada Jigjiga.


 

Weftigan saraakiisha, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar, hoggaanka Nabadgalyada Dayib Axmednuur iyo mas’uuliyiin kale oo ka mid ah Dowlad Degaanka Soomaalida.


 

Ujeedka safarka saraakiishan Itoobiyaanka ah, ayaa waxaa lagu sheegay inay la xidhiidho ka qaybgalka xuska 47-aad ee aasaaska Ciidamada Taliska bariga Itoobiya oo markii u horreysay lagu qabanayo magaalada Jigjiga.


 

Taliyeyaasha, ayaa maalmo sii joogi doona magaalada Jigjiga, waxaana lagu waramayaa in munaasabadda xuska ay socon doonto muddo todobaad ah, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida.

 

Taliyaha ciidamada Itoobiya Burhanu Julla, ayaa xadhigga ka jaraya xarunta tababarada Taliska Ciidanka Bariga Itoobiya oo laga furayo xerada Garabcase oo ku taalla duleedka magaalada Jigjiga.

     
Loading...