DEG DEG Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka Berbera Oo Shaaciyay In Markab Sida Shiidaal Baatrool ah uu Soo Gaadhay Dekadda Berbera

Thursday September 12, 2024 - 10:10:32
hadhwanaagtv
Waxaanay masuuliyiintani sheegeen in aanu marnaa kala gu'in shiidaalka



Masuuliyiinta Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera ayaa shaaciyay inuu dekadda Berbera soo gaadhay Markab sida shiidaal noociisu yahay Baatrool, iyadoo labadii maalmood ee ina dhaafay aad loo hadal hayay qiime korodh ku yimid Shiidaalka.

 

Waxaanay masuuliyiintani sheegeen in aanu marnaa kala gu’in shiidaalka qaranku, balse ay ahayd siyaasad qaran oo lagu hakinayay shiidaalka haamaha kaydka ku jiray, isla markaana uu dib u dhacay markab la filayay inuu laba maalmood ka hor ku soo xidho dekadda Berbera.

 

Dib u dhaca markabka shiidaalka siday ayay masuuliyiintu ku sababeeyeen cimiladda Badda ee xiligan awgeed, iyadoona ay ku kaceen dabaylo dhinaca Badda ah.Markabka ayaa soo scoday ugu yaraan 25 maalmood.

 

Maadaama oo xiligani lagu jiro xili Xagaa ah, Badda Cas na ay ka dhacaan dabaylo xoogaan oo hakad geliyay soscdka maraakiibta, basle waxa uu maareeyaha Haamaha Kaydka shiidaalka Berbera sheegay in la dhaamiyay in ka badan 70 booydadood oo Baatrool ah.

 

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shiidaalka ee Berbera, Axmed Ibraahim Cabdi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi "Waxaanu ka xun nahay in maalmihii u danbeeyay Kaalmaha Shiidaalku ay kor u qaadeen qiimaha shiidaalka, gaar ahaana Baatroolka. Shiidaal la’aani dalka kama dhicin, kamana dhacayso, oo dawladu xil weyn ayay iska saartay arrintaasi. Waxaanu leenahay wax la yidhaahdo qorshe lagu hago shiidaalka dalka, oo aanu dalka u hayno shiidaal ugu yaraan saddax bilood ku filan.

 

Arrinta labadan maalmood ee u danbeeyay keentay shiidaal la’aanta, waxaa dhacday in labadii markab ee shiidaalka siday ay xanibeen dabaylo aad u badan oo ka jira Badda Cas, dabaylahaasi oo hakiyay isku socodkii maraakiibta.

 

Markaa inay maraakiibtii shiidaalka siday wakhtigii loogu tallo galay ku iman waayaan waxaa sababtay dabaylahaasi imika ka dhacaya Badda Cas. Balse, nasiib wanaagsa imika markabkii shiidaalka siday wuu noo ymid, waananu buuxinay Haamihii kaydka shiidaalka ee Berbera, isla maanta (shalay) ayaananu sii daynay shiidaal dalkoo dhan gaadha”.

 

Geesta kale maareeyaha haamaha kaydka shiidaalka Berbera ayaa u soo jeediyay ganacsatadda in ay ka waantoobaan qiimaha shiidaalka ee ay kordhinayaan. "Saddexdii maalmood ee u danbeeyay waxaanu hakad gelinay saaritaanka shiidaalka Baartoolka ah, taasoo aanu ku sababaynay si aanu u iaalinao qorshaha lagu hagayo ee noo yaalla. Markaa labaddii maalmood ee uu soo socday markabku waxaa ka faa’iidaystay Kaalmaha shiidaalka iibiya, oo aad kor ugu qaaday qiimaha litirka baatroolka ah, taasoo aan wakhtigan loo baahnayn aanay ahayd in ay u tudhaan shacabka.

 

Markaa waxaan rejaynayaa in maanta laga bilaabo maadaama uu Baatroolkii yimid, in ay qiimihisa ku celiyaan halkiisii hore, waxaana arrintaa daba geli doonta in wasaaradda Ganacsiga oo aanu rejaynayno in ay xil iska saarto” ayuu yidhi maareeyaha Haamaha Kaydka shiidaalka Berbera.

     
Loading...