Guulaha M.Cirro Ka Gaadhay Dalka Kenya

Sunday June 01, 2025 - 10:20:16
hadhwanaagnews
Sidoo kale waxa uu afhayeenku sheegay


Afhayeenka ayaa tilmaamay in booqashadda madaxweynuhu ay salka ku hayso Xoojinta xidhiidhka u dhexeeya labada dal, kor u qaadista iskaashiga gobolka, horumarinta aragtida Somaliland ee caalamka iyo sidii ay weftigu u bandhigi lahaayeen Nabadgalyada, Dimuquraadiyadda iyo dadaalka aqoonsi raadineed ee Somaliland.

Afhayeen Deyr wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku daabacay barta X (Twitter) oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, isagoo xusay in kulankii dhex maray Labada madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya la isku dhaafsaday fikrado ku saabsan xoojinta iskaashiga dhaqaalaha, fududaynta ganacsiga, Horumarinta maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo amniga badan.

Sidoo kale waxa uu afhayeenku sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro uu shir la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Kenya Moses Masika Wetangula, isla markaana ay ka wada xaajoodeen Iskaashiga Baarlamaanada labada dal, Kor u qaadista hannaanka dimuqraadiga ah, iyaga oo muujinaya doorka muhiimka ah ee diblomaasiyadda sharci dejinta ku leedahay kobcinta maamul wanaagga iyo isfahanka.

Afhayeenka ayaa caddeeyay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu kulan muhiim ah la qaatay Masuulyiintii ka socday Beesha Caalamka oo isugu jiray Safiirro, Safiir ku-xigeeno, Hay’adaha Qaramadda Midoobay, Madaxda Bangiga Adduunka, Madaxda Bangiga Afrika, iyo xubno sare oo ka socday Dalalka ay saaxiibka iskaashi leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo Madaxweynuhu uga waramay qorshaha Xukuumadiisa ee ku aadan dhinacyadda: Horumarka, Nabbada, Dimuqraadiyadda, Dhaqaalaha iyo arrimaha mudnaanta u leh Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweynuhu wuxuu hoosta ka xariiqay sida ay Somaliland uga go’an tahay isla-xisaabtanka dawladnimo, adkeysiga hay’adaha dawladda, iyo la-shaqeynta caalamiga ah ee ujeeddada leh.

Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in aanay Somaliland ahayn dal dunida dawarsada oo ku nool deeqaha Caalamka, hasa yeeshee ay Nairobi u Joogaan in la dhiso wax wada qabsi hanno qaada, Afhayeenka Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in Madaxweynuhu u bandhigay wufuudaas caalamiga ah wax qabadyadii u hirgalay Xukuumadiisa mudadii koobnayd ee ay jirtay.

Sidoo kale Saaxiibada caalamka ayaa muujiyey taageero hor leh oo ay u hayaan Somaliland iyagoo sheegay in Somaliland tahay Jilaa la aamini karo, isla markaana kaalin ku leh xaaladaha gobolka.

Gabo gabadii Afhayeenka Madaxweynaha Xuseen Aadan Cige Dayr waxa uu sheegay in Booqashadda Weftiga Madaxweyne Cirro hogaaminayaa ku joogaan xarunta dalka Kenya ee Nairobi ay tahay mid lagu muujinayo siyaasadda arrimaha dibadda ee Somaliland oo ku qotonta doonista aqoonsi raadinta, arrimaha iskaashiga ee gobolka iyo ka caalamiga ah.
     
Loading...