Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin
Itoobiya iyo Pakistan ayaa heshiis ku gaadhay in ay xoojiyaan iskaashiga dhanka ciidamada cirka ee labada dal.
Taliyaha ciidamada cirka Itoobiya, Lt. Gen. Yilma Merdasa, ayaa magaalada Islamabad kula kulmay taliyaha ciidamada cirka Pakistan, Air Chief Marshal Zahir Ahmed Baber Sidu.
Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa iskaashi ku saleysan tababar, dhismaha awoodaha ciidan, iyo horumarinta tiknoolajiyada cusub.
Pakistan waxay ballanqaadday inay gacan ka geysan doonto tayeynta ciidamada cirka Itoobiya.
Safiirka Itoobiya ee Pakistan, Dr. Jamaal Bakir, ayaa sheegay in booqashadu ay dhidib u taagtay xidhiidh istiraatiiji ah oo cusub oo u dhexeeya labada waddan.