Laaluushka iyo Qaadigii .(Digaagadii iyo Qaadigii) W/Q: CaliBiixi

Thursday January 25, 2024 - 09:55:48
Hadhwanaagtv
Sheeko xiiso badan oo xikmad leh..

 

 



Nin ayaa waxa uu soo qashay Digaagad (Dooro) kadibna waxa uu u keenay Nin hilible ah oo uu ku yidhi: ii sii jarjar inta aan kuu soo noqonaayo.

(Waayahay buu ugu jawaabay).


 

Waxa hiliblihii soo maray Qaadigii maxkamada ee magaalada.

Waxa uu weydiiyay: in uu Digaag hayo?


Hiliblihii :ayaa ugu jawaabay: waxaan hayaa Digaadad Nin ii dhiibtay oo yidhi ( ii sii jarjar iminka ayaan soo noqonayaaye)

Tanba isii ayuu yidhi ,

Ninkana aniga ii soo dir , oo ha ku soo ashtakeeyo.


 

Ninkii baa hiliblihii u yimi oo waydiiyay in uu u jarjaray Digaagadii.

Waxa uu ugu jawaabay: way duushay.


Ninkii : ( Digaagadu mayd ayay ahayd oo way gowracnayde sidee u duushay?

 

Hiliblihii: Qaadiga inoo gee ,anigaa u sharxaaya sida ay u duushay.


 

Jidka iyagoo sii socda,ayaa waxay la kulmeen 2-ba Nin oo dagaalamaaya oo mid Muslim yahay, midna yuhuudi yahay.


Kala qabta ayay isyidhaahdeen.

Ninkii hiliblaha ahaa ayaa isha farta ka geliyay ninkii yuhuudiga ahaa.

Ishii baa ka soo dhacday.


 

Dadkii baa qabtay hiliblihii si loogu geeyo Qaadigii.

 

Ninkii hiliblaha ahaa ayaa ka cararay dadkii oo masaajid ayuu koray meeshii laga adimi jiray (manaaradiisii)

Kadibna wuu ka soo booday,

oo Oday ayuu dusha kaga dhacay.


Odaygii wuu dhintay.

Inankiusii ayaa hiliblihii qabsaday oo yidhi: maxkamada iyo Qaadiga ayaynu isula tegeynaa.

 

Qaadigii iyo maxkamadii ayaa la soo hor taagay hiliblihii isaga oo 3 denbi loo haysto.

 

Qaadigii markii uu arkay ayuu Digaagadii xasuustay oo uu qoslay.


 

Dadkii ayaa denbiyadii ay ninkan ku haystaan u sheegay.

Qaadigii waxa uu yidhi: mid mid aynu u kala qaadno.

 

Kii Digaagada lahaa ayaa dacwadiisii sheegtay.


Qaadigii ayaa ku yidhi: adigu ilaahay ma aaminsan tahay.

Haa buu ugu jawaabay .


Qaadigii : ilaahay inta uu lafaha isu geeyo, ayuu duulin karayaa ,

يحيى العظام وهي رميم ee miyaad diidan tahay?.

Ninkii : maya ayuu ydhi .


Qaadigii: ninkan waxba kuma lihid ee iskaga tag .

Halkaas ayuu ka mariyay xaqiisii.


 

Yuhuudigii isha laga soo riday ayaa dacwadiisii sheegtay.

Qaadigii: qofkii il kaa rida.

ilbaa laga ridayaa.


Laakiin kol hadii aad (ahlu dimma tahay ) magtaadu waa badh mar kasta.

Markaa isha kale hakaa rido hilibluhu oo adiguna il ka rid .

Sidaas ayaad ku kala joogtaan.


Yuhuudigii: maya maya waxba kama rabo ninkan .

Sidaas ayuu xaqiisii ku duudsiiyay Qaadigii.


 

Kii yaraa ee Aabihii uu ku soo dhacay hilibluhu ee dhintay,

Ayaa isna dacwadiisii marsaday.

Qaadigii: ayaa waxa uu yidhi: ninkan hiliblaha ah geeya meeshii odaygu ku dhintay oo joojiya .

Adiguna ka aargooso Oo ku soo bood ,

Halkaas ha ku dhintee.


 

Kii yaraa ayaa yidhi: oo billaa uu bidix ama midig u dhaqaaqaa oo uu meeshiisa ka dhaqaaqaa.

Qaadigii: muxuu Aabahaa midig ama bidix ugu dhaqaaqi waayay.

Qaadigii: waxba kuma lihid ee iskaga tag ninkan.

Halkaas ayuu xaqiisii cidla ka diray.


 

Maxkamadaha iyo Qaadiyadu marka ay musuq maasuqa iyo laaluush ku shaqeeyaan waa sidan oo kale .

 

Waana waxa maanta ka taagan maxkamadaha somaliland ee Qaadiyadu ku shaqeeyaan laaluush iyo ii dhiib ,

Anigaa kuu xukumaayee.


Cadaalad darada iyo dulmiga lama eegan karaayo shacabka loo geysanaayo maalin kasta.

 

 

Cali Biixi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...