Waxaan Ahay Soomaali Oo Waxba Ma Akhriyo Waxna Ma Qoro .(W/Q:Cali Biixi)

Monday January 15, 2024 - 11:20:12
hadhawanaag
Waxa Laga Soo Weriyay Aabihii Tacliinta Soomaaliyeed



Diinteena Islaamka Ah Ee Suuban Ayaa Eraygii Ugu Horeeyay Ahaa (Iqra ) Akhri , Oo Malak Jibriil ( Cs) Ku Yidhi Nebigeena Maxamed (Cs) . Iyadoo Ummadii Xiligaa Joogtay Jahli Iyo Qabyaalad Dulmi Iyo Caddalad Darro Haysteen .


Laakiin Markii Ay Risaaladu Timi Ee Ay Qaateen Ay Noqdeen Ummad Wax Akhrida Waxna Qorta ,

Ayay Waxey Noqdeen Kuwa Dunida Ugu Aqoon Badan , Waxaanay Noqdeen Hogaanka Aduunka .


Qur Aankana Aayado Fara Badan Ayaa Ka Warama Iyo Ay Waajib Ku Tahay Qof Kasta Inuu Waxna Akhriyo Waxna Qoro .


Guud Ahaana Diinta Islaamka Way Ka Soo Horjeeda Jahliga Iyo In Mugdi Aqoon Daro Dadku Ku Jiraan . Axaadiis Badan Oo Aan Lasoo Koobi Karina Way Ka Hadashaa Arintaa Inuu Cilmugu Waajib Ku Yahay Qof Kasta Oo Muslim Ah .


Waxa Laga Soo Weriyay Aabihii Tacliinta Soomaaliyeed Maxamuud Axmed Cali : Maalin Maalmaha Ka Mid Ah Ayaa Waxa U Yimi Dadkii Wax Garadka Ahaa Ee Reer Somaliland Waxay U Soo Bandhigeen Inuu Hogaamiyo Oo Uu Madax U Noqdo Ururkoodan Gobanima Doonka Ah Oo Uu Halganka Horseed Ka Noqdo .


Laakiin Aabihii Halganka Tacliinta Wuxuu Ugu Jawaabay : Inigu Waan Idinku Taageer Sanahay Halgankaa Waddaa , Laakiin Inigu Halgan Kale Ayaan Wadaa , Oo Isna U Baahan Cid Hogaamisa , Kaas Oo Ah Halganka ( Tacliinta) Waxbarashada Iyo Ladagaalanka Jahliga .


Waanay Ka Yeeleen Arinkiisii , Waxaanay Ku Yidhaahdeen Waanu Kugu Garab Taaganahay .


Hadana Mar Kale Waxa Dhacday Inuu Ingiriiskii Ka Talinayay Dalka Ay U Yimaadaan Oo U Soo Jeediyaan Inu Saaxadda Siyaasadda Ku Soo Biiro Oo Ka Qayb Qaato Kana Mid Noqdo Hogaamiya Yaasha Xisbiyada .


Wuxuu Ugu Jawaabay : Anigu Risaaladdayda ( Waxbarasho ) Ayaan Sii Wadanayaa Oo Dadku Weli Wadda Dheer Ayaa U Hadhsan , Welina Jahligu Aad Buu Ummadayda Ugu Baah San Yahay . Ladagaalanka Jahliguna Ma Fududa .


Bal Hadda Eeg Arintaa , Iminkana Dad Koo Dhami Waxay U Bukaan Inay Wada Siyaasi Noqdaan ,

Kursi Ayay Wada Raadinayaan .


Ummadaha Marka La Eegaayo Aqoon Tooda Iyo Heerka Ay Taagan Yihiin , Waxa Laga Eegaa Lagana Qiyaasaa Wax Akhriskooda Iyo Wax Qorkooda ,


Ummaduhuna Sidaas Ayay Ku Kala Horeeyaan .


Wax Akhrisku Wuxuu Ku Geeyaa Kuna Baraa Ummado Aanad Weligaa Arag , Weligaana Aanad Gaadheen .

Wax Akhrisku Wuxuu Kaa Gudbiyaa Bado Aanad Weligaa Ka Talawdeen , Wuxuu Ku Baraa Qoomam Aanad Weligaa Barateen Inay Jiraan.


Wax Akhrisku Iyo Wax Qorku Wuxuu Kuu Kordhiyaa Aqoon Taada Sarena U Qaadaa , Bbuugiikii Kasta Ee Aad Akhridoba Maskax Daadana Qayb Xidhnayd Ayaa Furmaysa Oo Shaqaynaysa .


Hadaba Waxaan Is Lahaa Dadka Soomaaliyeed Dunidan Ay U Soo Kala Dhoofeen Wax Yaabo Fiican Ayay Ka Baran Doonaan Ummadahan Ay U Yimaadenn


Sida Wax Akhriska Iyo Wax Qorka .

Waayo ? Dalalkan Reer Galbeedka Ah Waxa Dhaqamadooda Wanaagsan Ka Mid Ah Wax Akhriska Iyo Wax Qorka ,


Sidaa Awgeedna Way Ugu Hor Mareen .

Hadaba Adigu Imisa Buug Baad Bashan Ina Soo Dhaaftay Aad Akhriday ?

Ama Magaranaysaa Buuggii Kuugu Danbeeyay Ee Aad Akhrido ?


Iyo Goormuu Ahaa ?

Imisa Buug Baad Sanadkii Akhridaa ?

Maxaase Kuugu Danbeeyay Ee Aad Qortay

Madhadhamisaa Waxaad Akhriyayso ?


Ogow Aqoonta Waxa Kordhiya Ee Kobciyaa Waa Wax Akhriska Iyo Wax Qorka .


Maaha Youtube-Ka Iyo Tiktok-Ga Ama Facebook-Ga - Instgram -Telegram Iyo Wararka Iyo Sawaxanka Qashinka Ah Ee Maskaxda Kaa Buuxinaaya Ee Wada Wakhti Lumiska Ah Iyo Comment-Ka Cayda Iyo Aflagaada Ah Ee Umaddii Soomaaliyeed Oo Dhan Wareeriyay Ee Ay Ku Wada Mashquulsan Yihiin .


Warbaahinta Cusub Iyo Baraha Bulshada Waxay Soo Kordhisay ,

Dad Wada Aqoonyahan Ismoodaaya ,

Oo Aan Hadana Aqoon Lahayn , Oo Wada Asqeysan Oo Aan Waxba Kala Faa'iidayn .

Waxay Soo Kordhisay Baraha Bulshada

Jahli Balaadhan Oo Aan Waxba Garanayn Oo Hadana Ismoodaaya Inay Wax Kasta Garanayaan .


Horumarka Dalkasta Iyo Ummad Kastaba Waxa Uu

Le' Egyahay Inta Uu Wax Akhriskoodu Yahay Iyo Wax Qorkoodu …

CaliBiixi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...