Dameerkii iyo Suldaankii .(M.biixi iyo xukuumadiisa) W/Q:Cali Biixi

Wednesday January 31, 2024 - 14:44:09
hadhwanaagnews
Ma xukuumadan wada Dameeraha ah

Sheeko xikmad leh .

 

Sac ayaa cararay oo qasrigii Suldaanka hor istaagay, oo askartii ilaalinaysay ka codsaday in uu la kulmo Suldaanka,


Askartii way riixeen Sacii oo erya ayay isyidhaahdeen,

laakiin way u taagwaayeen , markii danbe ayay Suldaankii u tageen oo ku yidhaahdeen: Suldaan Sac ayaa albaabka taagan oo doonaaya in uu kula kulmo.


 

Suldaankii inta uu yaabay ayuu yidhi : bal soo daaya ,

waxa uu doonaayo aynu weydiinee?

 

Sacii baa u soo galay Suldaankii oo ku yidhi: waxan doonayaa BILLAD DAHAB sharafeed oo lay siiyo.

Oo muwaadin xaq u leh baan ahay dalkan iyo dadkiisa .


 

Suldaankii waxa uu weydiiyay: oo maxaad dadka iyo dalka u qabatay ee lagugu siiyaa , ee aad ku mutaysatay ee Billad Dahab lagugu siiyaa?


 

Sacii ayaa ugu jawaabay : caanahayga ayaad cabtaan oo hilibkayga ayaad cuntaan oo haragayga ayaad kabo iyo dhar ka samaysataan oo xaarkayga ayaad ka maarmi waydeen oo aad shidataan.

 

Suldaankii inta uu ku qancay hadalkii Saca ayuu yidhi: xaq baad u yeelatay in Billad Dahab oo Billad sharafeed darajada 2-ad ah lagu siiyo.


 

Sacii oo faraxsan ayaa la kulmay BAQASHII : Waar Sacyahaw waa maxay waxan oo farxad ahi maanta iyo Biladahan kaa laadlaadaa?


 

Sacii ayaa uga waramay Billadahan Suldaankii ayaa i soo siiyay.

 

BAQASHII ayaa qasrigii Suldaanka isku sii daysay.


Askartii bay ku tidhi: inaan Suldaanka la kulmo ayaan u baahanahay , waxay isyidhaahdeen erya,Laakiin way u taagwaayeen. Markii danbe ayay Suldaankii u sheegeen in Baqali albaabka taagan tahay oo doonayso in ay la kulanto.


Soo daaya ayuu yidhi : waxa ay doonayso aanu eegnee.

 

Baqashii waxay tidhi: Anigu mawaadin baan ahay , waxaan doonayaa in BILLAD DAHAB sharafeed in la i siiyo , xaq baab u leeyahaye .


Suldaankii baa yidhi: oo maxaad dalka u qabataa,

ee lagugu siiyaa Billad Dahab sharafeed?


 

Baqashii baa tidhi: Hubka ciidanka oo dhan anigaa xammaala,

oo saadka ciidanka anigaa xammaala,


oo askarta anigaa xammaala aan fardaha wadanin,

oo caruurta iyo Dumarka anigaa xammaala .


 

Suldaankii inta uu u qiray waxyaabahaas oo dhan, ayuu yidhi : ha la siiyo BILLAD DAHAB sharafeedka darajada koobaad ee dalka.


 

Baqadhii oo faraxsan ayaa la kulantay DAMEERKII .

Inaadeer iska waran ?

Maxaad la faraxsan tahay Baqalay?


 

Baqashii waxay tidhi: Billad dahab sharafeed ayaa suldaankii i soo siiyay .

 

DAMEERKII ayaa qasrigii suldaanka isku sii daayay,oo askartii jiidhay,


isaga oo cadheysanoo ay joojin kari waayeen oo ku ciyay , (waa Dameerkii iyo canaadkiisii) markii danbe ayay suldaankii u tageen ,oo ku yidhaahdeen DAMEER ayaa doonaaya in uu kula kulmo Suldaan .

Soo daaya ayuu yidhi,aanu eegno kanna waxa uu doonaayo.

 

Dameerkii waxa uu yidhi : anigu waxaan ka mid ahay muwaadiniinta raciyada ah ee aad u taliso,miyaad

noqon lahayd Suldaan hadii aanay Dameero ahayn wasiiradan kugu xeerani ?

oo aanay dadkaagu Dameero ahayn ?


Miyaad u qalantaa in aad adigu madax (suldaan) u noqoto ?

Ilayn waynu isgaranaynaayee ?

 

Suldaankii inta uu hoos ula hadley Dameerkii ayuu ku yidhi: aamus oo ha dareensiin dadka waxan ,

oo ha u sheegin.


 

Adiga waxa lagu siinayaa BILLAD DAHABKII sharafeed ee dalka ugu sareeyay.

 

Xikmada ku jirtaa :


Dameeraha caqli xumada , iyagaa isku yaqaana.

 

Hadii aanu caqli iyo anshax xumayn

Oo aanu Dameer ahaynM.biixi

 

Ma xukuumadan wada Dameeraha ah

Sida Buuni iyo Bukhaari iyo Kayd iyo Ina-kaahin iyo cali mareexaan iyo qaar kale oo ka liita

Ayuu madax iyo xukuumad uga dhigi lahaa dalka?

 

 

Cali Biixi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...