Ma Doonaysaa Inaad Dayaxa Ama North Pole- Ka Dhul Ka Iibsato Ama U Guurto? (Calibiixi)

Tuesday January 30, 2024 - 09:54:32
Hadhwanaagtv
waxaana laga helidoonaa mustaqbalka soo socda...



Shirkadda la yidhaahdo caliBiixi company ayaa waxay dhul ka iibinaysaa north-pole ka dhulkaas oo qiimihiisu yahay 100 dollar oo qudha . waxaanay kaaga dhisaysaa makhsin iyo fadhi ku kacaaya 1000 dollar , waxaana intaa la socda dhalasho iyo BAASAABOOR ay laydaha JAMHUURIYADDA halkaa ka talisa ee layidhaahdo ( JAMHUURUYADDA CALIBIIXI ) , waa jamhuuriyadda qudha ee north pole ka ku taalla .


waxaana laga helidoonaa mustaqbalka soo socda DAHAB ku jira badda hoosteeda , waxaanay jamhuuriyaddu ku dul taalaa BARAF fadhiistay , markaa marka barafka la dhaafo , ee badda la dhaafo ayaa la helayaa dahabka .

Shaqooyin badanina waa laga helayaa , marka laga reebo shaqada zaciimka dalkaa (aayatulaa caliBiixi) ,
oo ah aasaasaha jamhuuryaddaa(caliBiixi) iyo sharci dhigaha iyo dastuurka dalkaaba , laakiin sharciga dalka wuxuu qof kasta oo muwaadin ah u ogol yahay inuu noqdo wixii uu doono .


Shacabka jamhuuriyadda caliBiixi wuxuu doortaa baarlamaan , muddadiisu tahay sannad qudha , baarlamaankuna isagaa madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iska doorta , (madaxweynuhuna isagaa baarlamaanka wasiirada ka doorta , muddadoodu tahay sannad qudha ) , markaa xilku waa wareegto .


BAASAABOORKA jamhuuriyadda caliBiixi waxaad ku tegi kartaa JAMHUURIYADDA DAYAXA ee la yidhaahdo iyadana JAMHUURIYADDA CALIBIIXI EE DAYAXA .

Jamhuuruyadaas oo dhawaan uu wefti ka iman doono somaliland , halkaas oo laga qaadi doono ciddii doonaysa inay DAYAXA u dhoofto .


waxaana laga doonayaa qofkii doonaaya inuu DAYAXA u dhoofo , in uu bixiyo £2500 oo dollar iyo £500 oo dollar oo dhul loogu iibiyo iyo £1500 oo dollar oo guri loogu dhiso .


halkaasna waxaa ka banaan shaqooyin badan oo aan dhulka ka jirin , waxaana muwaadin kastaa xaq u leeyahay in la siiyo BAASAABOORKA jamhuuriyadda caliBiixi ee dayaxa ku taalla . BAASAABOORKAA oo aad ku tegi karto koonka oo dhan (dunida oo dhan). laakiin dhulka haddii aad doonayso inaad timaaddo waxaad u baahan tahay , inaad hesho DIYAARAD imanaysa oo aad soo raacdo .
Ticket-ka loogu dhoofayaa ,

Waa (one way) ticket.
( Back) soo noqosho ma jiryo.

Shaqooyin fara badan ayaa ka banaan lamhuuriyadda caliBiixi ee DAYAXA ku taalla , waxaanay jamhuuriyadan isku shuruuc iyo qawaaniin yihiin jamhuuriyadda caliBiixi ee north pole ka ku taalla .


Wixii faah faahin ah kala soo xidhiidh shirkadda caliBiixi ee ku taalla (MARS ) , Telephone no waxa weeye 0000-00-1234567890 .

Shirkadan waxa loo sameeyay in dadka dhoofku madax maray ay lacagta ka gurato .


Hadaba intaanad ku fekerin inaad BADDA isku tuurto ama aad SAXARADA ku dhimato , la soo xidhiidh , shirkadan cusub ee dhulka iyo baasaaboorka kuugu yaboohaysa .


DIGNIIN : sheekadani waa mala awaal ee hayla soo xidhiidhina .(hahahaha )



Cali Biixi
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...