HADHWANAAGNEWS
Qudus (Jerusalem) – Mike Huckabee, oo ah Safiirka Mareykanka u fadhiya Israel, ayaa hadallo muran dhaliyay ka jeediyay waraysi uu la yeeshay Tucker Carlson, kaas oo maanta la sii daayay.
Huckabee ayaa lagu sheegay inuu muujiyay aragti ah in dal awood u leh difaac iyo milatari uu xaq u yeelan karo inuu la wareego dhulal uu qabsado, isaga oo tilmaamay in xaalado noocaas ah aysan ku koobnaan doonin Israel oo keliya, balse laga yaabo in meelo kale oo dunida ka mid ah lagu arko dal ku duulaya dal kale oo markaas ka dib la wareegaya dhulkiisa.
Hadalladan ayaa si weyn loogu falanqeeyay baraha warbaahinta iyo siyaasadda, gaar ahaan marka loo eego xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe iyo dagaalka u dhexeeya Russia iyo Ukraine.
Inkasta oo Huckabee uusan si gaar ah u xusin dalal kale oo bartilmaameed ah, haddana falanqeeyayaal badan ayaa ku tilmaamay hadalladiisa kuwo ka hor imanaya mabaadi’da caalamiga ah ee dhowrista madax-bannaanida iyo xuduudaha dalalka, sida ku cad axdiyada Qaramada Midoobay.
Doodda ka dhalatay waraysigan ayaa dib u soo nooleysay walaaca laga qabo suurtagalnimada isbeddel ku yimaadda nidaamka caalamiga ah ee ku dhisan xushmeynta madaxbannaanida dalalka, iyadoo xaalado hore sida Ukraine iyo xiisadaha ka taagan dalalka kale ee Bariga Dhexe tusaale ahaan loo soo qaadanayo.
Ilaa hadda, ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Mareykanka oo si cad u qeexaya mowqifka rasmiga ah ee Washington ee ku aaddan aragtida uu safiirku ka dhiibtay waraysigaas.