Shabeel Dad Cuna Hadal Waxba Kama Taro . (Calibiixi)

Wednesday January 17, 2024 - 14:21:42
hadhwanaagtv
Hadaba waxa dhacdey maalin maalmaha ka mid ah



Waxa jirey dad BEERALEY ah oo tuulo yar kunoolaa , iyaga iyo beerahooda waxa u dhexeysey KAYN jiq ah , oo habar dugaag badani kunoolaa, kuwaas oo  hilibka dadka ka khashaafi jirey , dadka dhexmaraayana  waxba yeeli jirin , iyo shimbiro badan  oo heesaaya .

 

Hadaba waxa dhacdey maalin maalmaha ka mid ah , in shabeel gaboobey ay ku adkaatey inuu wax ugaadhsan karo , isagoo gaboobey awgeed , xanuunna u weheliyo , markaasaa wuxuu go aansadey inuu dadkii beeraleyda ahaa ee kaynta  sii dhex mari jirey , markey beerahooda ku socdaan iyo markey ka soo caraabaanba  inuu ugaadhsado .

Waxa tuuladii beeraleyda aheyd lasoo deristey dhibaato wayn , oo joogto ah , maalin kasta iyo habeen kastaba dhiilo ayaa u taalla , guri aan laga ooyey ama barooranayni ma jiro.

Beeraleydii waxay u ashtako tageen , ninkii magaalada u madaxda ahaa , in uu dhibaatadan wax kala qabto , laakiin umay suurto gelin in ay wax ka qaban karaan , waxaana u sabab ahaa , jileecooda iyo karti daradooda iyo isku duubno la aantooda .

 

Waxay go aansadeen in boqorkii (madaxweynihii)  jirey ay u gudbiyaan , wafdi ayey u direen xaggaa iyo caasimaddii dalka .

Wafdigii boqorkii (madaxweynihii) ayey u sharxeen dhibaatada heysata , waxaanay doonayaan in boqorku wax uga qabto , mar haddii uu yahey sharcigii dalka ugu sareeyey .

Boqorkii intuu aad iyo aad u cadhoodey oo isa sara taagan ayuu yidhi : ma'aniga oo nool ayaa waxaas oo kale dhulkeyga ka dhacayaan ? sidey suurto gal ku tahay in waxan oo kale dhacaan?

 

wuxuu u yeedhey wasiirkiisii boqortooyada (madaxtooyada) wuxuu ku yidhi : qor  waxqadani waxay ka timi boqorkii waynaa ee dalkan maamulaayey 

waxaanay ku socotaa shabeelkan dad cunka noqdey ,

 ee amaanka laga waayey ee raciyadeydii soo weerarey :

 

waxan ku leeyahey aniga oo ah boqorkii sharciga gacanta ku hayey  : shabeel yahaw jooji weerarka aad beeraleyda ku hayso ,

iyo dad cun nimada aad sameynayso . haddii kale tallaabo adag baanu kaa qaadi doonaa , waanan ku ciqaaabi doonaa .

 

Boqorkii warqadii buu saxeexay , kabacdina wasiirkiisii boqortooyada ayuu u dhiibey . wuxuu ku yidhi : u gee shabeelkaa  oo gacanta ka saar , dadkii beeraleyda ahaa arinkii aad iyo aad bay ugu riyaaqeen .

 

Wasiirkii shabeelkii meeshii loogu sheegey buu tegey ,

 kayntii markuu dhexmaraayo ayaa shabeelkii mudh soo yidhi oo hortiisa isasoo taagey . wasiirkii gacanta ayuu u taagey oo warqadii u dhiibey boqorku soo saxeexay .

shabeelkii warqadii iyo wasiiskiiba wuu cunay .

Boqorkii wuxuu dhibaatadii beeraleyda ku xaliyey hadal iyo weedho aan ficil la socon .

 

Hadaba weedhaha iyo hadalka aduunkoo dhan iyo qawaaniintoo dhami , waxba ma taraan , waxna kaama celiyaan , 

Haddii aanu jirin ficil ama awood wax fulisaa .

 

Sidaa awgeed ma jiro hadal ama weedho kaa celinaya ( shabeel dadcuna ) , waxa kaa celin karaa waa awood iyo ficil .

 

M.biixi waxa qudha ee uu fahmaa ee joojin karayaa  ,

Waa ficil .

 

CALI MAXAMED BIIXI          

Calibiixi

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...