Nin qurxoon oo waxba heysan ayaa gabar soo doontay maalin,

Sunday April 21, 2024 - 10:10:42
hadhawanaag
Wey wanaagsan tahay shaqadiisa in aad ka hesho laakiin


Aabaheed ayaa weydiiyay: halkee ku tukaday salaadii Subax?!
Wuxuu yiri: ma aqaan!

Wuxuu yiri aabihii: haddaba waxa aad dalbaneyso kuuma haayo!
Wey wanaagsan tahay qofka kusoo doonnanaayo in uu wajigiisa ku qanciyo laakiinse ha iloobbin in aad qalbigiisa fiiriso!

Wey wanaagsan tahay shaqadiisa in aad ka hesho laakiin ha iloobbin in fiiriso sida uu waalidkiisa ugu baarrinimo sameeyo!

Ninka dayacay naagtii talaabo talaabo usoo barbaarisay in uu adiga ku wanaajiyo loogama fadhiyo!
Waa muhiim in aad weydiiso waxa uu heysto laakiinse ha iloobbin in aad weydiiso xiriirka uu rabbigiis la leeyahay!

Qofka Alle ka cabsanaayo kuma dulminaayo xitaa haddii uusan ku jecleyn!
Haddii uu ku jeclaado waxaa uu ka dhigan doonna taaj uu madaxa saarto
Raaddi qof diin leh gacantaada ha boorowdee!

Faqriga ceeb ma'ahan, guriga Nabiga "scw" maalmo badan ayaa soomari jiray iyada oo aan dab laga shidin oo waxa ay ku noolaayeen timir iyo biyo!

Xaasaskii Nabiga "scw" waxa ay ahaayeen kuwo wanaagsan oo ixtiraam badan!
Shaqadu sikasta oo ay tahay ceeb ma'ahan
Maadaama aan ka heleyno rooti iyo dhar xalaal ah
Nabi Sakariye "cs" waxa uu ahaa faryaamo
Nabi Daa'uud "cs" waxa uu cunni jiray waxa uu shaqeysto,

Dhaqtarnimada kama wanaagsano faryaamada haddii uu ka wanaagsan yahayna wuxuu uga wanaagsan yahay diintiisa iyo akhlaaqdiisa!

wasiir-na kama wanaagsana askari haddii uu ka wanaagsan yahayna wuxuu uga wanaagsan yahay qalbigiisa iyo diintiisa!

Waxaa jiro waxyaabo badan oo uu guurka uga wanaagsan yahay hantida, darajada iyo xitaa quruxda, ee marka hore raadi kuwaas waxyaabaha kale iyaga ayaaba kuu imaan doonno'ee.!
     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...