Nin Sagaashan Jirayo Dalkaba Seeska U Adkeeyay,Sahal Laguma Weeraro Adoon Xeer Ku Sababayn.

Tuesday January 02, 2024 - 10:39:15
Hadhwanaagtv
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.




Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Sodon Jirkaan Subaxii Ku Kicin,Sidu Ku Soo Seexdo,

 

Sagaashankena Soo Jiray Sideen,Talo U Seegaynin,


 

Sidkiisuu Saleebaan Gutayo,Saayidna U Dheeryay,

 

Salaamaad Dhahoo Daaya Waa,Samafal Waayeele,


 

Sawraciisano Kale Ma Jiro,Sugina Maysaane,

 

Saylado Haddii Ay Jiraan,Suuqyo Lagu Iibsho,


 

Safdheer Baan U Gelilaa,Weila Siisanla Dahab,

 

Suufkiyo Xariirta Iscuna,Sebeno Meel Yaalaha,


 

Sanadahan Siyaasiga Kacaan,Laga Sugeyn Taase,

 

Soomaalilaan Baan Aqaana,Samir Xumaanteedan,


 

Surmoseegto Ruux Saaka Nool,Kuma Saluugaayo,

 

Suuldaarada Sujaac Loo Dhigaa,Wuu Sibiibixane,


 

Siyaasigee Intaas Talin Karee,Jooga Sabadeenan?

 

Salka Dhiga Sida Laguma Iman,Seeskii Madaweyne,


 

Subaxay Tilmaameen Mudada,Sare U Yeedhkiinan,

 

Saawir Hadalkanad Saydhisen,Seegan Marinkiisa,


 

Saldhigiisu Waa Maxay Hadder,Saacadaa Hadhaye.

 

Ismail Abdillahi Handuleh

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...