Nin Kuu Xidhan Xubnaha Aad Jarta, Xamar Wax May Taaran.Xaquna Raagimaayo,Dhawaan Xeer Allaa Iman.

Friday June 21, 2024 - 13:22:49
hadhwanaag
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.




Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Xoolo Ururso Mooyaane,Xasan Talo Ha Waydiinin,

 

Xaraashyo Dantii Guud,Xabalihiina Kolaay Tahay,

 

Muu Xishmaynin Maydkiye,Xisaaba La Guud Dhigay,

 

Xogu Siday Tilmaameen,Weriyeyaal La Soo Xidhay,

 

Xigaalkoodii Qodaya,Weliba Xoolo Bixinaaya,

 

Maydku Intuu Xaraysna,Xaaraanta Jecelaah,

 

Xisaabaadka Aakhiro,Xaggeebu Ka Gelayaa,

 

Xasan Sheekh Xumaanbu,Kelidi Xantobsaday,

 

Xaynkuu Ka Buuxsaday,Xaaraaniyo Xalaal,

 

Xoogsi Tuu Ku Soo Helo,Wuu Soo Xaraystaa,

 

Xeelad Kastuu Ku Keeno,Xeer Qabanayan Jirin,

 

Xishood Iyo Karaamana,Wuu Xooray Sharaftii,

 

Xaajo Uguba Weeyaan,Xabaal Qodaha Dhidarkii,

 

Xanxantoobay Ceebo,Xashiish Ma Uga Dhaadhacay.

 

Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...