Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa shalay si rasmi ah u soo afjaray shirwayne lagu nabadaynayay beelo colaad ku dhexmartay degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.
Salaadiin iyo saraakiil ka tirsan xukuumadda ayaa bilihii u dambeeyay ku hawlanaa xal u helidda colaadda Ceel-afweyn oo soo noq-noqotay, isla markaana u dhaxaysay laba beelood oo wada dega deegaanka waxaana laga soo saaray go’aammo adag oo lagu xakameynayo colaadda.
Waxaanu yidhi.”Waxaan dooneynaa Ceel-afweyn isku dan ah, isku dareen ah, oo isku duruufo ah, balse aan kala dano iyo kala dood lahayn. Waxaan jecelahay in Ceel-afweyn aysan ka dhicin dagaal iyo dil, waxaan rabnaa in aan aragno Ceel-afweyn la dagaallamaysa colaadda, dirirta tolka, qabyaaladda iyo kala qaybsanaanta,”.
Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay in aan dib loo arkin Ceel Afweyn oo curadeedu is dilayaan.
Waxaanu yidhi. "Dardaarankaygu waa in aan mar dambe la arkin Ceel-afweyn oo curadeedu is dilayaan, in aanay dhalinyaradu hub isugu urursan, haweenkuna aysan mar dambe asay madaxa saarin, waa in aad gacmaha is qabsataan si nabadda iyo horumarka Ceel-afweyn loo xaqiijiyo,”
Xukuumadda Somaliland oo xoogga saartay nabadaynta deegaankaas, ayaa qaramaysay dhammaan ciidamadii ay kala haysteen labada beelood ee colaaddu u dhaxaysay.
Waxaa la sheegay in wixii ka dambeeya hadda, ciidamada booliiska iyo millatarigu ay tallaabo adag ka qaadi doonaan cid kasta oo jebisa nabadda.
Beelaha deegaanka wada dega oo marar badan iska dilay dad, hantina kala dhacay, ayaa loo kala xukumay magta iyo bixinta wixii khasaare ay is gaadhsiiyeen.