Qaliniyo Qoraal Qorshaa Lagu Hogaansha,Qabiil Laguma Dhaqo Qaran.

Tuesday June 11, 2024 - 12:48:00
Hadhwanaag
Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]


 

Qadhmuuneey Qabyaalad,Qaran Kuma Dhaqmo,Qasaaray Dhashaa,

Qoon Tamar La'aniyo,Qof Cidaan U Tudhinba,Ku Qabaanta Iyo Tuuga,


Qardofaday Abuurta,Qarniyay Jirtaayoon,Quunteed Bugsonaynin,

Qaaxo Weeye Cuduro,Ku Qarsoon Dadkeeno,


Qaraxeeda Mooyaane, Qofna Aanu Garanayn,Qaarna Ay Ku Faanaan,Qurux Ay U Haystaan,

Quruumaha Aduunyadu,Quus Bay Ka Joogane,Ka Qashaafa Oo Naca,


Qudha Intey Ka Goyso.Qabri Galay Daraded,Inaga Reebtay Qayrken,

Qaradlaha Siyaasiga,Haddaan Layska Qabanu,Qoolkaas Inagu Wado,


Qolqolo U Qaybshaan,Qumanow Kitaabkuba,Qoortena Sudhan Yahay,

Qofkastana Boqor Yahay,Qooman Wada Jirkenii,Allaha Qaadira Jira.


Ismail Abdillahi Handuleh.

     
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...